Wararka Caalamka

60 Ruux oo Ku Dhintay Diyaarad ku dul bur burtay Xeebaha Badda Mediterranean-ka.

0 Thursday May 19, 2016 - 13:34:51
Diyaarad rakaab ah oo iska laheyd Shirkadda duulimaadyada ee Dalka Masar, islamarkaana ay la socdeen inkabadan Lixdan ruux oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa loo maleynaa ina ku dhacday badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Read More »

Diyaarad laga leeyahay Wadanka Masar oo lala'yahay Saacado kadib Markii ay Hawada gashay.

0 Thursday May 19, 2016 - 09:45:10
Maamulayaasha wadanka Masar ayaa ku dhawaaqay in lala'yahay diyaarad ay la socdeen tobanaan qof oo Carab iyo Yurubiyaan isugu jira.

Read More »

Golaha Senate-ka Mareykanka oo Meel mariyay Xeer Ogolanaaya in Dowladda Sacuudiga lagu soo oogo dacwado la xiriira Weeraradii 11-kii Sep.

0 Wednesday May 18, 2016 - 12:46:29
Aqalka Senat-ka ee Dowladda Mareykanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay Xeer cusub oo ehellada dadkii ku dhintay weerarradii 11-kii September ee Sannadkii 2001-dii lagu qaaday dalkaasi u ogolaanaya inay dacwado kusoo oogaan Dowladda Sacuudiga.

Read More »

Dowladaha Quwadaha Weyn oo Ogolaaday in Saanada Melleteri lasiiyo Xukuumadda Liibiya si ay ula dagaalanto Jihaadiyiinta.

0 Tuesday May 17, 2016 - 11:40:58
Kadib kulamo is daba joog ah oo dowladaha reergalbeedka iyo kuwa carabta ku yeesheen magaalada Fiyeena ee caasimadda wadanka Ostari ayay ku go'aamiyeen in saanado hub ah lasiiyo xukuumadda dabadhilifka Liibiya.

Read More »

TURKIGA oo Sheegay in 35 Dagaalyahan ay Ka dileen Maleeshiyaadka PKK.

0 Monday May 16, 2016 - 20:50:35
Taliska Ciidamada ee Dowladda Turkiga ayaa sheegay in 35 ka tirsan Maleeshiyada Xizbiga Shaqaalaha Kurdistaan ee loo yaqaano PKK inay ku dileen duqeymo xagga cirka ah oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay Bariga iyo Koonfurta Wadankaasi.

Read More »

Xisbullaah "Kooxo Takfiiriyiin ah ayaa Dilay Mustafa Badrudiin oo ahaa Hogaamiye Sare".

0 Saturday May 14, 2016 - 10:30:00
War rasmi ah oo kasoo baxay Ururka shiiciga Xisbullah ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye sare oo looga dilay wadanka Suuriya ay mas'uul ka ahaayeen xoogaga jihaadiyiinta sunniga ah.

Read More »

Al-Jubeyr "Xuuthiyiinta Waa Jaarka Sacuudiga Dagaalkeena Yemen Waxaan u Wareejinay Dhanka Al Qaacidda".

0 Thursday May 12, 2016 - 17:28:50
Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda daba dhilifka ee Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa sheegay in hadafka koowaad ee howl-galka ay u joogaan dalka Yemen inuusan aheyn la dagaalanka Xuuthiyiinta, isagoona sheegay in suuragal ay tahay in kooxdaas wadahadallo lala galo, balse wuxuu tilmaamay in muhiimadooda…

Read More »

90 Qof oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baqdaad Ee Wadanka Ciraaq.

0 Thursday May 12, 2016 - 07:18:41
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weeraro lagu qaaday xaafad ay ku badanyihiin dadka shiicada Rawaafidda Ciraaq.

Read More »

Dowladda Bangladesh oo Xukun dil ah ku fulisay Hoggaamiyihii Jamaacada islaamiga ah Sheekh Mudiicu Raxmaan

0 Wednesday May 11, 2016 - 15:17:54
Maamulayaasha Wadanka Bangladesh ayaa Xukun dal-dalaad ah waxay ku fuliyeen Hogaamiyihii Jamaacada islaamiga ah ee dalkaasi Mudhiicu Raxmaan Nidaami, kaas oo Maxkamad ku taalla dalkaasi ay ku ridday Xukun dil ah.

Read More »

Mujaahidiinta Daalibaan oo Diyaarad Helicopter ah kusoo riday Gobolka Qandahaar.

0 Tuesday May 10, 2016 - 18:49:37
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Cirka ee Dowladda daba dhilifka ee Afghanistan ayaa sheegay inay soo dhacday diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen Ciidamada Meliteriga, kadib markii gantaal dhulka laga tuuray ay ku beegsadeen dagaalyahannada Daalibaan.

Read More »

70 ruux oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Gazni ee bariga Dalka Afghanistan.

0 Monday May 09, 2016 - 17:31:35
Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Gazni ee kuyaalla Bariga Dalka Afghanistan ayaa sababay dhimashada 73 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana shilkaasi uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen gaari bas ah iyo Booyad Shidaal Sidday.

Read More »

8 Askari Masaari ah oo Lagu Dilay Magaalada Al-Qaahira iyo IS Mas'uuliyadda Sheegatay.

0 Sunday May 08, 2016 - 15:45:03
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gudaha wadanka Masar xilli xukuumadda uu hoggaamiyo C/Fataax alsiisi ay wajahayso caqabado dhanka ammaanka ah.

Read More »

Nin Pakistani oo loo doortay Duqa Cusub Ee Magaalada London.

0 Saturday May 07, 2016 - 12:04:13
Taariikhda markii ugu horraysay Nin Muslim ah ayaa loo doortay in uu noqdo duqa magaalada London ee caasimadda wadanka Ingiriiska.

Read More »

Saxafi Turki ah oo si Dirqi Ah Dil Uga Badbaaday Isagoo Hortaagan Maxkamadda Magaalada Istanbul.

0 Saturday May 07, 2016 - 10:14:00
Isku day dil lama filaan ah ayuu la kulmay saxafi caan ka ah gudaha wadanka Turkiga saacado kadib markii lasoo saaray maxkamad xukun kama dambeys ah ku ridi laheyd.

Read More »

Magaalada Fort Mcmurry Ee Wadanka Canada oo Xaalad Adag Gashay Kadib Gubasho daran.

0 Friday May 06, 2016 - 06:26:34
Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay Gobolka Al-Berta ee Dalka Kanada, kadib markii Kumanaan ruux ay ku barakaceen dab xooggan oo ka kacay magaalo ka tirsan Gobolkaasi.

Read More »

Donald Trump oo Qarka u saaran inuu ku guuleysto Hoggaaminta Xizbiga Jamhuuriga.

0 Friday May 06, 2016 - 06:25:34
Donald Trump oo ka mid ah Musharixiinta u taagan doorashooyinka madaxtinimo ee dabayaaqada Sanadkan ka dhici doona Dalka Mareykanka ayaa waxa uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Ninka Xizbiga Jamhuuriga ku matali doona doorashooyinkaasi, kadib markii habeenkii xalay uu Gobolka Indiana kaga adkaaday Musharaxa…

Read More »

Xasuuq Baahsan oo Wali Ku Socda Shacabka Magaalada Xalab ee Wadanka Suuriya.

0 Saturday April 30, 2016 - 20:39:39
Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Iiraan ayaa wali sii wada duqeymaha bahalnimada ah oo ay ka gaysanayaan magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya.

Read More »

1379 Sanadood Kadib Magaalada Xalab Ee Dalka Suuriya oo aan Maanta Lagu Tukan Salaadda Jimcaha.

0 Visits: 3999 | Friday April 29, 2016 - 13:09:47
Markii ugu horraysay kumanaan sanadood kadib maanta salaadda Jimcaha laguma tukan masaajidda waaweyn ee magaalada Xalab oo ah caasimadda 2-aad ee wadanka Suuriya.

Read More »

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Wadanka Turkiga.

0 Wednesday April 27, 2016 - 19:34:27
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socota Muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ku sugan Dalka Turkiga, kadib markii la helay macluumaadyo dhinaca Sirdoonka ah oo sheegaya inay weerarro ka dhici karaan dalkaasi.

Read More »

Dowladda Turkiga oo Dastuurka U degsan Ka Dhigaysa Mid Islaami Ah!.

0 Wednesday April 27, 2016 - 17:17:19
Markii ugu horraysay xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayaa shegtay in ay qorshaynayso in dastuurka wadankaasi u degsan laga dhigo mid islaami ah.

Read More »

Kooxda Abuu Sayyaaf ayaa Qoorta ka goysay Muwaadin u dhashay Dalka Kanada oo ay gacanta ku heysay.

0 Tuesday April 26, 2016 - 13:09:18
Jamaaacada Jihaadiga ee Abuu Sayyaaf ee ka dagaalanta Dalka Filibiin ayaa qoorta ka goysay Muwaadin u dhashay dalka Kanada oo lagu magacaabi jiray Jhon Ridel, kaas oo muddo dhowr bilood ah ay gacanta ku heysay Jamaacadaasi.

Read More »

Dowladda Sacuudiga oo Xabsiga dhigtay Sheykh Cabdul-Caziiz Al-Dhariifi.

0 Monday April 25, 2016 - 13:58:28
Culimo iyo ducaad ku nool Dalka Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Aala Sacuud ay xabsiga dhigeen Sheekha Muxadith-ka ah ee Cabdul-Caziiz Al-Dhariif.

Read More »

Ciidamada Isbahaysiga Carabta oo Dib Ula Wareegay Magaalada Almukallah Ee Wadanka Yemen.

0 Monday April 25, 2016 - 11:06:17
Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in magaalada Al-mukallah ee dekadda leh ay ku dhacday gacanta ciidamada isbahaysiga Carabta ee dowladda Sacuudiga madaxda ka tahay.

Read More »

Al Qaacidda oo Difaacatay Magaalada Zunjibaar Ee Wadanka Yemen Kadib Dagaallo Culus.

0 Sunday April 24, 2016 - 16:18:09
Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah ee Dalka Yemen ayaa maalintii shalay ka hortagay duullaan ballaaran oo qeybo ka tirsan Gobolka Abyan ay kusoo qaadeen Maleeshiyaad ka amar qaata Maamulka Cabdu-Rabbi Haadi Mansuur, kuwaas oo sidoo kale taageero dhinaca Cirka ah ka helayay diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga…

Read More »

7 Qof American ah oo lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Wadanka Mareykanka.

0 Saturday April 23, 2016 - 08:31:16
Ugu yaraan 7 qof American ahaa ayaa lagu dilay weeraro hubeysan oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo katirsan wadanka Mareykanka.

Read More »

Weeraro Khasaara Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee iyo Taliban oo Mas'uuliyadda Sheegatay.

0 Tuesday April 19, 2016 - 19:01:52
Qarax weyn ayaa waabarigii hore ee Saakay gil-gilay meel ku dhow Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Kaabuul ee Caasimadda Dalka Afghanistan, iyadoona qaraxaasi kadib la maqlayay rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen rag hubeysan iyo Ciidamada Ammaanka.

Read More »

246 qof oo Ku Dhintay dhul-gariir xooggan oo shalay ku dhuftay dalka Ecuador.

0 Monday April 18, 2016 - 19:54:28
Dhul gariir xooggan oo shalay ku dhuftay dalka Ecuador ayaa dhaliyay khasaare xooggan oo nafeed iyo mid hantiyeed, iyadoo dhul gariirkaas uu ahaa midkii ugu xoogganaa ee tobonaan sano ku dhufta dalkaasi.

Read More »

14 sanadood Kadib Sagaal ka tirsan Maxaabiista Muslimiinta ee ku xirnaa Xabsiga Guanamo Bay oo lasii daayay.

0 Sunday April 17, 2016 - 15:53:33
Dowladda Mareykanka ayaa Nidaamka daba dhilifka ah ee Sacuudiga waxa ay ku wareejisay Sagaal Maxbuus oo Yamaniyiin ah oo ka tirsanaa Maxaabiista Muslimiinta ee ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay ee kuyaalla Jaziiradda Kuuba.

Read More »

Kadib Hoobashadii Sicirka Naftada Wadamada Shidaalka soo Saara oo Shir Deg Deg ah Ku Leh Wadanka Qadar.

0 Sunday April 17, 2016 - 10:04:10
Kadib hoobasho aan horay loo arag oo ay lakulantay naftada adduunka ayay dowladaha soo saara shidaalka waxay shir degdeg ah ku leeyihiin wadanka Qadar.

Read More »

Burma:Bukaannada Muslimiinta Ee Isbitaallada Ku jira Oo Lala Baxo Xubnaha Muhiimka Ah Ee Jirkooda (Warbixin).

0 Saturday April 16, 2016 - 12:01:43
Muslimiinta Rohingiya ee ku nool Wadanka loo yaqaano Barma ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh, dhibaatada ugu daran waxay ka heystataa dhanka Caafimaadka, iyadoo duruufta ay ku nool yihiin Muslimiinta dhulkaas ku nool ay gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana soo baxaya…

Read More »

Sawirro:18 qof oo Ku Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Wadanka Japan.

0 Saturday April 16, 2016 - 10:27:37
Maamulayaasha wadanka Japan ayaa sheegay in khasaara xooggan uu ka dhashay dhul gariir ku dhuftay Koonfurta wadankaasi.

Read More »

Masar oo Sacuudiga Ka iibisay Laba Jaziiradood iyo Mucaaradka oo Kasoo Horjeestay.

0 Thursday April 14, 2016 - 12:13:47
Murun xooggan ayaa ka dhashay wareejintii xukuumadda Masar ay Sacuudiga ku wareejisay laba Jaziiradood oo istiraatiiji ah kuwaas dhaca biyaha kala qeybiya labada dal.

Read More »

Taliban oo Ku Dhawaaqday Xamla Dagaaleedka Xilliga Guga Wadanka Afghanistan Bayaan

0 Wednesday April 13, 2016 - 08:28:15
Wadanka Afghanistan waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay howlgal dagaaleed jihaadi ah oo ka dhan ah ciidamada shisheeye ee wadankaasi ku duulay.

Read More »

Abuu Sayaaf oo 18 Askari Ku Dishay Koonfurta Wadanka Filibiin.

0 Monday April 11, 2016 - 06:15:13
Khasaare xooggan ayaa Ciidamada Meliteriga ee Dowladda Filibiin kasoo gaaray Weerar hubeysan oo ka dhacay Koonfurta dalkaasi.

Read More »

Kumuu Ahaa Sheykh Rufaaci Dhaahaa Oo Ku Shahiiday Duqeyn Ka Dhacday Dalka Suuriya.

0 Saturday April 09, 2016 - 07:58:52
Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxay sheegayaan in duqeyn lagu dilay Sheykh Rufaaci Dhaahaa oo ahaa hogaamiyihii hore ee garabka Meliteriga ee Jamaacadii isalamiga aheyd ee dalka Masar.

Read More »