Warar Caalami Ah

Seddax dumar ah oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Dalka Filand.

0 Monday December 05, 2016 - 17:52:33
Wararka ka imaanaya Wadanka Filand ayaa waxay sheegayaan in Seddax dumar ah lagu dilay toogasho habeenkii Axadda ka dhacday degmada Imtara ee ku dhow Xuduudda Wadanka Ruushka.

Read More »

Diyaarad Melleteri oo Ku Burburtay Shil ka Dhacay Waqooyiga Wadanka Suuriya.

0 Sunday December 04, 2016 - 08:57:24
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarad melleteri ay ku burburtay magaalada Xalab ee dhacda waqooyiga wadankaasi.

Read More »

Sawirro: 40 Qof oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Gobolka California Ee Dalka Mareykanka.

0 Sunday December 04, 2016 - 07:29:14
Maamulayaasha wadanka Mareykanka ayaa sheegay in tobanaan qof ay ku dhinteen dab xooggan oo ka kacay gobolka California oo kamid ah gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

Read More »

OPEC oo Go'aamisay in Malaayiin Barmiil laga dhimo Shidaalka sida Maalinlaha ah loo soo saaro.

0 Thursday December 01, 2016 - 19:27:14
Kadib kulan ay isugu yimaadeen dhammaan dowladaha ku bahoobay Ururka OPEC ayay kasoo saareen go'aan wax badan ka bedelay sicirka lagu kala iibsado shidaalka caalami ahaa.

Read More »

Dowladda Bangladesh oo dib usoo celisay Qaar ka tirsan Qaxootiga Muslimiinta Rohingiya ee kasoo firxday dalka Barma.

0 Wednesday November 30, 2016 - 11:27:28
Dowladda Bangladesh ayaa dib usoo celisay qaar ka tirsan Qaxootiga Muslimiinta ee Rohingiya ee kasoo firxday gumaadka ay ku heyso Xukuumadda Barma.

Read More »

Laba Askari Turki ah oo Lagu Qafaashay Waqooyiga Wadanka Suuriya.

0 Wednesday November 30, 2016 - 11:27:28
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka melleteriga Turkiga ayaa lagu sheegay in laba askari lagu la'yahay gudaha wadanka Suuriya.

Read More »

Dowladda Ruushka oo Sheegtay in Ciidanka Nidaamka Suuriya Qarka u saaranyihiin Qabsashada Magaalada Xalab.

0 Monday November 28, 2016 - 05:59:46
Wasaaradda difaaca dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in 40% xaafadaha dhaca Bariga Magaalada Xalab ay gacanta ugaleen ciidamada Nidaamka Bishaar Al-Asad.

Read More »

Mareykanka oo Duqeyn Ku Burburiyay Buundada Ugu Weyn Magaalada Muusil Ee Wadanka Ciraaq.

0 Wednesday November 23, 2016 - 08:21:57
Wararka ka imaanaya waqooyiga wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka isbahaysiga Mareykanka ayaa duqeyn ku burburiyeen mid kamida buundooyinka ugu muhiimsan magaalada Muusil.

Read More »

Mareykanka oo Wuwaadiniintiisa uga digay Weeraro Ka Dhaca Wadamada Qaaradda Yurub.

0 Tuesday November 22, 2016 - 07:38:07
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaarradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay jirto suurtagalnimo weyn oo ku aaddan weeraro ka dhici kara wadamo dhaca qaaradda Yurub.

Read More »

Dibadbaxyo lagu lagu dalbanayay in xukun dil ah lagu fuliyo Nin u gefay Nabi Muxamed SCW oo ka dhacay Dalka Moriteeniya

0 Monday November 21, 2016 - 07:27:46
Kumanaan dibad baxayaal ah ayaa shalay Salaaddii Jimcaha kadib waxay isugu soo baxeen fagaarayaal kuyaalla magaalada Nawaak-Shood ee Caasimadda dalka Moriteeniya, iyagoona dalbanayay in la fuliyo xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Nin qoraa ah oo lagu magacaabo Muxamed Sheekh Walad, kaas oo Maqaal uu…

Read More »

Mudaaharaadyo Ka Dhan Ah Donald Trumo oo Mareykanka Kasii Socda iyo Hillary Clinton oo FIB-da Eedaysay.

0 Sunday November 13, 2016 - 12:29:34
Markii ugu horraysay Hillary Clinton oo looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Mareykanka ka dhacday ayaa ku dhawaaqday in ay ka biya diidan tahay qaabkii wax loo maareeyay.

Read More »

Dowladda Mareykanka oo Liiska 'Argagaxisada' Ku Dartay Sheekh Muxeysini iyo Sedax Hoggaamiye oo Katirsan Fatxu Shaam.

0 Saturday November 12, 2016 - 08:47:10
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Keydka Mareykanka oo kaashanaysa macluumaadk ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cunaqabateyn lagu saaray hoggaamiyaal katirsan Jamaacada Jihaadiga Fatxu Shaam iyo sheikh daaci ah oo wadanka Suuriya ku sugan.

Read More »

Taliban oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Qunsuliyadda Jarmalka Ee Wadanka Afghanistan.

0 Friday November 11, 2016 - 08:49:30
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar xooggan oo lagu qaaday dhismaha Qunsuliyadda dowladda Jarmalka ay ku leedahay waqooyiga wadanka Afghanistan.

Read More »

Sedax Katirsan Saraakiisha Mareykanka oo lagu Dilay Toogasho ka Dhacday Dalka Urdun.

0 Saturday November 05, 2016 - 09:54:13
Ugu yaraan sedax sarkaal Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay meel ku dhow magaalada Cammaan ee caasimadda wadanka Urdun.

Read More »

Sacad Al-Xariiri oo loo Magacaabay R/wasaaraha Cusub Ee Wadanka Lubnaan.

0 Thursday November 03, 2016 - 18:45:17
Wadanka Lubnaan waxaa lasoo gaba gabeeyay khilaafkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta wadankaasi muddo 30 bilood ah.

Read More »

Al-Baqdaadi oo Ku Baaqay in si Adag loo Wajaho Kuwa Ku Duulay Magaalada Muusil Ee Waqooyiga Ciraaq.

0 Thursday November 03, 2016 - 08:55:17
Markii ugu horraysay hoggaamiyaha xoogaga dowladda Islaamiga ah ayaa ka hadlay duullaanka cadaawadeed oo ay dowladda Mareykanka iyo xulufadeeda shiicada ah ay ku qaadeen magaalada Muusil ee waqooyiga wadanka Ciraaq.

Read More »

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ku Booriyay in ay isaga Baxaan Wadanka Turkiga.

0 Sunday October 30, 2016 - 15:17:24
Mareykanka ayaa amray Qoysaska Shaqaalaha ka shaqeeya Qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga inay ka baxaan dalkaasi, iyadoona digniin laga bixiyo inay dhici karaan weerarro lagu beegsado dadka Ameerikaanka ah.

Read More »

Sawirro: Xoogaga Jeyshul Fatxi oo Ku Dhawaaqay Dagaal ay Hareereynta Uga qaadayaan Magaalada Xalab Dalka Suuriya.

0 Friday October 28, 2016 - 13:43:12
Isbaheysiga Jeyshul Fatxi oo ay ku midaysanyihiin inta badan xoogaga Islaamiga dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqay Olole melleteri oo ay hareeraynta uga qaadanayaan magaalada Xalab.

Read More »

25 Qof Shacab Ah oo Ku Dhintay Duqeymo Ay Diyaaradaha Ruuska ka Geysteen Waqooyiga Suuriya.

0 Thursday October 27, 2016 - 08:15:03
Ugu yaraan 20 qof shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay ka geysteen waqooyiga wadanka Suuriya.

Read More »

Ciidamo Katirsan Dowladda Sacuudiga oo ku dhintay Weerar ka dhacay Bariga dalkaasi.

0 Wednesday October 26, 2016 - 16:59:49
Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka ee Nidaamka Aala Sacuud ayaa dhintay, dhowr kalena way dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay Ciidamadu ku sugnaayeen oo ku taalla magaalada Damaam ee bariga Wadankaasi.

Read More »

Dowladda Mareykanka oo Joojisay Qorshe ay ku dooneysay in ay ku hubeyso Kooxaha Mucaaradka ee dalka Suuriya.

0 Tuesday October 25, 2016 - 12:22:43
Warbixin uu qoray Wargeyska The Washintong Post ayaa lagu sheegay in Aqalka Cad ee dalka Mareykanka uu hakiyay qorshey ay soo bandhigtay Hey'adda Sirdoonka dalkaasi ee CIA, kaas oo hadafkiisu ahaa in Kooxaha Mucaaradka ee Suuriya la siiyo hub culus oo ay isaga difaaci karaan diyaaradaha dagaalka…

Read More »

58 Qof oo Lagu Dilay Weerar Hubeysan oo Ka Dhacay Magaalada Kuwiita Dalka Pakistan.

0 Tuesday October 25, 2016 - 10:23:58
Ku dhawaad 60 Askari ayaa dhintay kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Xarun Booliiska lagu tababaro oo ku taalla Dalka Pakistan.

Read More »

Jeneraal Sare oo ka tirsanaa Melleteriga Masar oo lagu Dilay magaalada Al-Qaahira.

0 Monday October 24, 2016 - 07:54:06
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa saakay waabarigii afaafka hore ee gurigiisa ee magaalada Al-Qaahira ku dilay Taliyihii Guutada 9aad ee Ciidamada Meliteriga ee dalkaasi Jeneraal Caadil Rajaa'i Ismaaciil.

Read More »

Dowladda Taliyaaniga Oo Xirtay dhowr Masjid oo ay lahaayeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Rooma.

0 Saturday October 22, 2016 - 18:46:46
Boqollaal ka tirsan Muslimiinta ku nool dalka Taliyaaniga ayaa maalintii shalay Salaadda Jimcaha kadib isugu soo baxay fagaare kuyaalla magaalada Roma, iyagoo ka cabanayay xiritaanka Shan ka mid ah Masaajidda ay leeyihiin dadka Muslimiinta oo kuyaalla magaalada Caasimadda u ah dalkaasi.

Read More »

60 Qof Shacab Ah oo Ku Dhintay Shil Tareen oo Ka Dhacay Wadanka Cameroon.

0 Saturday October 22, 2016 - 08:00:22
Ugu yaraan 55 qof ayaa dhimatay tobaneeyo kalane waa ay dhaawacmeen kadib markii shil tareen uu ka dhacay wadanka Cameroon.

Read More »

3 Askari Mareykan Ah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Dalka Afghanistan.

0 Thursday October 20, 2016 - 19:02:06
Seddax Askari oo Mareykan ah ayaa dhintay, kadib markii Nin Xiran direyska Ciidamada Dalka Afghanistan uu toogasho ka geystay Saldhig kuyaalla magaalada Kaabuul.

Read More »

Dowladda Turkiga oo Sheegtay in Ay Ka Qeyb Gelayso Duullaanka Lagu Qaaday Magaalada Muusil.

0 Wednesday October 19, 2016 - 07:54:11
War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayay ku sheegtay in si buuxda ay uga qeyb geli doonto duullaanka ballaaran ee lagu qaaday Magaalada Muusil ee waqooyiga Ciraaq dhacda.

Read More »

Shiicada Ciraaq iyo Mareykanka oo Duullaan Ballaaran Ku Qaaday Magaalada Muusil.

0 Monday October 17, 2016 - 10:27:11
Maamulka Shiicada ee dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay inuu billowday duullaanka lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Muusil ee Waqooyiga dalkaasi, halkaas oo ay ku nool yihiin inkabadan Laba Milyan oo Muslimiin ah.

Read More »

Muwaadin American Ah oo Lagu Qafaashay Wadanka Niger Ee Qaaradda Afrika.

0 Saturday October 15, 2016 - 16:21:29
Wararka ka imaanaya wadanka Niger ee dhaca galbeedka qaaradda afrika ayaa sheegaya in howlgal hubeysan oo lagu qafaashay muwaadin reer galbeed ah uu ka dhacay waqooyi Bari wadankaasi.

Read More »

VIDEO: Xoogaga Muqaawamada Yemen oo Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Kala Wareegay Degmo Ku Dhow Magaalada Sanca.

0 Saturday October 15, 2016 - 08:55:39
Xoogaga muqaawamada Yemen iyo ciidamada xukuumadda horumarro ballaaran ka gaaray dagaalka ka socda duleedka magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Read More »

Weerar Askar lagu laayay oo ka dhacay Gobolka ay Muslimiintu dagan yihiin ee Araakaan Dalka Burma.

0 Thursday October 13, 2016 - 09:08:45
Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Burma ayaa dhintay, dhowr kalena way dhaawacmeen kadib markii xoogag hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidamadu lahaayeen oo ku yaalla degmada Biyoog-Nabeet ee gobolka Araakaan ee galbeedka dalkaasi.

Read More »

Xarakada Xamaas oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Laba Yahuud ah lagu Dilay oo Ka Dhacay Magaalada Al-Qudus.

0 Tuesday October 11, 2016 - 05:36:50
Laba ruux oo Yahuud ah ayaa dhintay, lix kalena way dhaawacmeen kadib markii toogasho ay ka dhacday Xaafadda Sheekh Jarraax ee bariga magaalada Al-Qudus ee xoogga ay ku heystaan Yahuudda.

Read More »

Weerar Sawaariikh ah oo lagu qaaday Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Mareykanka Xilli uu ku sugan Xeebaha dalka Yemen.

0 Monday October 10, 2016 - 17:03:42
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in saakay waabarigii weerar Sawaariikh ah lagu qaaday Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka, kaas oo ku sugnaa Xeebaha dalkaasi.

Read More »

Dowladda Switzerland oo Mamnuucday in Haweenka Muslimiinta ay Xirtaan Indha-Shareer.

0 Monday October 10, 2016 - 10:03:02
Baarlamanka Wadanka Switzerland ayaa Aqlabiyad leh isugu raacay in la mamnuuco indha Shareerka ay xirtaan haweenka Muslimaatka ah ee dalkaasi ku nool.

Read More »

Suuriya: JF Shaam iyo Jamaacada Jundul Aqsaa oo Midnimo Buuxa Gaaray.

0 Monday October 10, 2016 - 10:03:02
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ay ku dartay Jamaacada Jundul aqsaa oo markii dambe ku biirtay Xoogaga Jihaadiga Fatxu Shaam ee Suuriya ka dagaallama.

Read More »