Muxaadaro Qiimo Badan "Ma Xukunka Jaahiliyada ayey Doonayaan?" Sheikh C/Qaadir Mu'min (DAAWO)

Written by Maamul on .

Waxaa markii ugug horaysay Aalladda Internetka si toos ah usoo gashay Muxaadaro in muddo ah ay walaalaha Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ay naga dlbi Jireen, taas oo ciwaankeedu ahaa, (Ma Xukunka Jaahiliyada ayey Doonayaan?) Muxaadaraan waxaa soo jeedinaya Sh C/Qaadir Mu'min, waxana uu Sheikhu soo jeediyey mar uu safar ku tagay magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya Sanadkii 2009-ka.


Muxaadaradaani waxay ka mid tahay muxaadarooyin dhowr ah oo uu Sheikh C/Qaadir Mu'min kasoo jeediyey xiligaas magaalada Boosaaso, waxana ay noqdeen Muxaadarooyin xiligaas si aad ah ugu faafay dalka Soomaaliya oo dhan ayada oo ay dadka muslimiinta ahi ay iskugu dirayeen Mobiladooda.


Muxaadaraadkaan ayaa waxa ay ka duwanaayeen Muxaadaraadkii loo jeedin jiray Bulshada Soomaaliyeed oo dhammaantood si iskugu mid ah ugu ag wareegi jiray arimaha la xiriira Beeca iyo Shiraaga iyo Akhlaaqiyaadka, Sh C/Qaadir Mu'min ayaa waxa uu Muxaadaraadkiisa xoogga ku saaray Arimaha Asaasiga u ah Caqiidada iyo Tawxiidka, waxana uu sidoo kale Qaar ka mid ah Muxaadaraadkiisa kaga hadlay Difaacidda Mujaahidiinta Soomaaliyeed.


Markii uu Sheikhu dhamaystay Muxaadaraadkiisii ka dibna uu u diyaargaroobay Safarkiisa ayaa Maleeshiyaadka Ashahaado la dirirka ah ee Puntland waxa ay isku dayeen in ay sheikha gacanta ku dhigaan, hase yeeshee Allaah ayaa ka badbaadiyey.


Dhanka kale Culimada Ictisaamka ayaa si aad ah uga gilgishay Muxaadaraadka Sheikh C/Qaadir Mu'min uu kasoo jeediyey masaajidda magaalada Boosaaso, waxa ay Culimada Ictisaamku si cabasho leh uga codsadeen Sheikh C/Qaadir Mu'min ay la kumaan oo ay ugu yaraan is waraystaan haseyeeshee Sh/Qaadir Mu'min wuu ka cudurdaartay la fariisigooda maadaama ay yihiin Culimo aan marnaba dadka muslimiinta ah u bayaaninaynin Xaqqa.


Sheikh C/Qaadir Mu'min ayaa maanta ku sugan meel in ka yar 40 KLM u jirta magaalada Boosaaso iyo Masaajidii uu muxaadarada ku qabtay, waxana uu maanta wal-wal weyn iyo Walbahaar uu ku hayaa Ashahaado la dirirkii maalintaas isku daydey in ay Sheikha Xiraan oo ay gacan cadow galiyaan.


Muxaadaradan ayaa waxa ay ka baxday Masjika AL RAMADAAN ee magaalada Boosaaso Taariikhud markii ay ahay  27 Shacbaan 1430H oo ku aadan 18 Augst 2009M,


Gabagabadii waxaan Allaah uga Baryeynaa walaalihii fududeeyey in ay Muxaadaraadkaan Hawada soo galaan in uu Allaah Dambigooda Dhaafo una saaro Miizaankooda Xasanaatka ah.


Muxaadarada oo ka kooban Saddex Qaybood ka daawo Hoos.

 

Ma xukunka Jaahiliyada ayey Doonayaan? Sh C/Qadir Mu'min Qaybtii 1aad


Ma xukunka Jaahiliyada ayey Doonayaan? Sh C/Qadir Mu'min Qaybtii 2aad

 

Ma xukunka Jaahiliyada ayey Doonayaan? Sh C/Qadir Mu'min Qaybtii 3aad



Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy