Magaalada Afmadoow oo ka baxday gacanta Muslimiinta una gacan gashay Kuffaarta Kenya WARBIXIN.

Written by Maamul on .

somalimemo.netWaxaa Daqiiqado yar ka hor ka baxday Gacanta Muslimiinta Degmada Afmadoow oo ka tirsan Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka iyadoo ay qabsadeen Ciidamada Kuffaarta ah ee Kenya kuwaas oo muddo 9 Bilood ah  dagaal dhiig badan uu uga baxay ugu jiray sidii ay dadka Muslimiinta ah uga  qabsan lahaayeen.

Wararka naga soo gaaraya Afmadoow ayaa sheegaya in maanta saacadu markii ay ahayd 2:14pm ay Taangiyada Kuffaarta Kenya gudaha usoo galeen qaybo ka mid ah Magaalada, iyagoo intaas kadibna ay bilaabeen inay Madaafiic iyo Rasaasta ka dhacda qoryaha boobayaasha ah ee ku xiran si aan loo meel dayin ugu ridaan xaafada Magaalada.

Inta aysan Gaaladu soo gelin Afmadoow ayaa waxaa Dagaal culus uu kusoo qabsaday meel duleedka ka  ah Magaalada, waxaana Saraakiisha Ciidamada Mujaahidiintu ay sheegeen inay halkaas ku dileen 14 ka tirsan Ciidamada Kuffaarta Kenya, ayna ku gubeen gaadiid dagaal, Balse markii uu dagaalku aad ugu soo dhawaaday Gaaladuna ay Bilaabeen inay Madaafiicda si toos ah ula beegsadaan Magaalada  Amar lagu siiyay Ciidamadii Mujaahidiinta ahaa inay baneeyaan Magaalada.

Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa horey iyo gadaalba ka xiga Cadawga soo galay Afmadoow, waxaana sidii ay Kuffaarta Kenya usoo gashay qaybo ka mid ah Jubooyinka ay Mujaahidiintu fulinayeen Weeraro Kamaa’in ah “Dhabagallo” kuwaas oo lagu naafeeyay Cadawga Kenyaatiga ah iyo Dabadhilifyada u shaqaysa, waana arinta keentay in Allaah Fadligiis kadib ay Ciidamada Kenya muddo 9 bilood oo ay soo gurguuranayeen kadib ay maanta soo gaaraan Afmadoow.

Soomaaliya oo ah wadan Muslim ah oo ay ku hareereysanyihiin Wadamo Gaallo ah isla markaana ay weligeed kala dhaxayn jirtay Colaad soo jireen ah Sida Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa hada lagu soo qaaday Duullaan ay iska kaashanayaan Gaalada Caalamka oo dhan, Waxaana  ujeedada Dagaaladaas ay yihiin in dadka Soomaaliyeed ay Madaxa u raariciyaan oo ay isku dhiibaan Cadawgoodii soo jireen ahaa, Balse arintaas ayaa waxaa diidan  Rag Mujaahidiin ah oo Naftooda iyo Maalkooda u huraya sidii ay iskaga caabin lahaayeen Cadawgaas, isla markaana diiday inay Taariikhdu qorto in Soomaaliya ay isku dhiibtay Gumaysiga madoow ee Kenya iyo Itoobiya.

Wixii kusoo kordha Xaaladaha Afmadoow dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha’Allaah.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy