Dagaallo saf ballaaran ah oo ka soconaya gudaha iyo duleedka degmada Afgooye.

Written by Maamul on .

Dagaallo xoog leh oo daryanka madaafiicda la maqlayo ayaa caawa maqribkii ka qarxay gudaha iyo duleedka degmada Afgooye halkaasi oo Ciidamada Mujaahidintu ay weerar ku qaadeen fariisimayaalka cadowga ay ku leeyihiin aagagaasi.

Saraakiil ka tirsan Mujaahidinta ayaa ino sheegay in dagaalka oo saf ballaaran ah uu ka billowday dagaanka Carbiska isla markaana hadane ay guutooyin kale oo Mujaahidiinta ka mid ah ay weerareen degmada Afgooye iyadoona madaafiic la is weydaarsanayo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaallo ay ka dhacaan gudaha Afgooye, tan iyo markii ay magaaladaasi qabsadeen cadowga.


Wixii ku soo kordha kala soco SomaliMeMo Insha Allaah.