Dagaalkii ugu cuslaa oo ka dhacay degmada Afgooye.
Dagaalkii ugu cuslaa oo ay ka qeyb galayaan gaadiidka dagaalka Mujaahidiinta ayaa hadda ka soconaya gudaha degmad Afgooye, ka dib markii Mujaahidintu ay dagaal culus ku qaadeen fariisimayaalka cadowga ee gudaha degmadaasi.
Dagaalkan oo goor dhaweyd billowday ayaa waxaa uu ku fiday gudaha degmada, iyadoona Mujaahidiintu ay markii hore weerareen fariisimo maleeshiyaadku ku leeyihiin Koontaroolka laga soo galo magaalada Afgooye.
Dadweyne ayaa inoo sheegay in ay arkayeen gaadiidka dagaalka Mujaahidiinta oo u gudbaya furunta dagaalka, waxaana durbadiiba kala firxaday maleeshiyaadka oo lagala wareegay isbaaradii ay joogeen waxaana jira khasaare kala duwan.
Dagaalka ayaa wali hadda soconaya wixii ku so kordhana waan soo gudbin doonaa Insha Allaah.
Comments (0)

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.

