Dhagabadan iyo Ereg oo isku day dil ka badbaaday.
Saraakiisha maanta badbaaday ayaa lagu kala magacaabaa C/kariim Yuusuf Dhagabadan, kaasi oo ay Murtaddiintu ay ku sheegaan inuu yahay Abaanduulka howlgallada maleeshiyaadka..iyo Khaliif Max’ed Ere oo isaguna ah madaxa Ashahaada la dirirka Muqdisho, waxaana maanta gaadiidkooda ay ku dhaceen kamiin ay Mujaahidiintu dhigeen wadada isku xirta dagaananada Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha.
Geesiyaasha towxiidka oo ka warhelay dhaqaaqa cadowga ayaa jidgooyadaasi kula beegsaday agagaarka Isbaaradii Shabelle, iyadoona gaadiidkii kolonyada DKMG ay cagahooda kaga baxsadeen kamiinka, iyagoona ka cararay gaari nuuca Noha loo yaqaano oo laga gubay.
Sidoo kale waxaa meesha ay ka carareen meydadka tiro ka mid ah ilaaladii saraakiishaasi, kuwaasi oo yaallay goobtii ay ku halaagsameen, halka saraakiisha ay u baxsadeen dhanka magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale mar kale saraakiisha DKMG ay ku fadeexoobeen qeybaha Saxaafadda Muqdisho oo ay u wadeen in ay soo tusiyeen waxyaabo lagu sheegay guulaha ciidamadooda, hayeeshee waxey hadane la mid noqdeen Shariif Sh Axmed oo todobaadkii hore sidaasi oo kale fara ciddiyo leh uga badbaaday kamiin ka dhacay wadadaasi.
Marki ay Muqdisho ku laabteen ayaa saraakiisha waxaa ka dhex billowday isqabqabsi la xiriira wixi dhacay, iyagoona hadallo iska soo horjeeda siiyay saxaafadda.
Dhagabadan oo ku hormaray hadalka ayaa ku eedeeyay Maleeshiyaadka uu madaxda ka yahay nikii la socday ee Khaliif Ereg in ay iyagu dusha u ridanayaan halisaha ka jira wadada Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana maleeshiyaadka DKMG oo difaac kaga jira Afgooye ay nasiib darro tahay dhabarkoodii in mushkiladdaan ay ka taagan tahay sida uu hadalka u dhigay.
Hayeeshe sarkaalka kale ee madaxda ka ah Ashaahada la dirirka Muqdisho ee dadka qaarkood ugu yeeraan PS-ta ayaa iska fogeeyay eedeymahaasi, waxaana uu xusay masuuliyad iyaga ka wada dhexeysa in ay tahay ilaalinta amaanka deegaanadii dhawaan ay qabsadeen.
Dhawaan ayaa Taliska Ciidamada Mujaahidiinta Somaliya waxaa uu shaaca ka qaaday in wadada Muqdisho iyo Afgooye isku xirta ay isu badali doonto meel ay ku hoobtaan cadowga, isla markaana sii socod iyo soo socodba ay dhimasho iyo dhaawac kala kulmaan weerarada Mujaahidinta.


