KII LA TUURABA MAXAA TUURO LOOGU YEELAA?!!!( Maqaal) W/Q: Suldaan Garyare

Written by Maamul on .

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Waa arrin iska sunno ah oo aan dadka wax kala garnayaa aayan la yaabeyn markay maqlaan amase aay arkaan koox dabagelis gaalada u ahayd oo markii dhuuxa laga dhamaysto, laguna soo reebo shaati ceebeed in tuuro loo yeelo oo la yiraahdo waa tuugo iyo dad aan istaahilin in wax loo dhiibto amase lagu haleysto. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Miskiin baa misko la fuulo leh” taasi waxay daliil u tahay in nin walba oo oo gaalo ku adeegato uu akhirka ku dambaynayo in sida haddaba muuqata amase horeyba u dhacday loo raad-raadiyo ceebaha qolada dabageliska u ah gaalada.

Taariikhdu been ma sheegto mana taqaan naxariis, bal aan dib u yara jaleecno rag badan oo af Soomaali ku hadli jirey oo noqday dabagelisyo wixii qabsaday iyo meeshii aay ku dambeeyeen.

Dalka Soomaaliya waxa soo marey ilaa dhowr madaxweyne iyo ra’iisal wasaare, imisa ayaa dalka joogta amase tii alle ugu timid oo ku geeriyooday? Waxaan filayaa marka laga reebo Cabdirishiid Cali Sharmaarke oo Laascaano lagu dilay iyo Aaden Cabdulle Cismaan oo dalka isagoo jooga tii Alle u timi mooyee intooda kale mid noolna ma joogo mid dhintayna dalka gudihiisa kuma dhiman, maxaa sababay?

Sababo badan baa loogu malayn karaa:

1)     Midkoodna Alle Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulka dadka Muslimiinta ee uu hor joogay kuma dhiqin uguma yeerin ee wuxuu dabada qabsaday qawaaniin shaydaaneedkii gaaladii dalka gumaysatay aay nooga tagtay.

2)     Waxay cadaawad iyo isneceyb dhex dhigeen ummaddii Muslimiinta ahayd ee Soomaaliyeed ilaa iyagii xataa waayeen meelay ku negaadaan taasoo dhaxalsiisay inay dibadda u wada cararaan.

3)     Qolaba qolada ka dambaysa ayaa cadow looga dhigay ilaa la gaadhay inayan iyagu is badbaadin oo midba midkii ka horeeyey uu cadaawad u qaado.

Waxaan xusuustaa mar aan sagaashaandkii(1994kii) akhriyey wargeys bile ah oo ku soo baxa afka Ingiriiska kana soo baxa carriga Ingiriiska lana yiraahdo New Africa, ayaa waxaa lagu soo daabacay su’aal aad u baaxad weyneyd oo la doonayey in lagu muujiyo cawaaqib xumada ku dhacda niman badan oo madax ka ahaa Africa, Carabaha iyo Dunidii la gumaystay oo dhan. Su’aashu waxay ahayd maxaa madaxda dalalkan aan kor ku xusay markii xukunka laga qaado uu mid walbaa ugu cararaa dalkii horey u gumaystay dalka uu madax ka ahaa, dabadeedna uu uga noqdaa darawal wada taxi (Cap Driver), oo ah shaqo hooseysa marka loo eego jagada iyo derajada uu soo marey ninkani.

Su’aashaa waxaa jawaab fiican oo kaafiya ka bixiyey nin aan filayo inuu qoraa ka ahaa isla wargeyskaaska oo la yiraahdo Kaffour. Kaffour wuxuu jawaabtiisii ku bilaabay sidatan. Wuxuu yiri markii gumeysigu yimi dunidii uu gumeystay wuxuu shaqaale ka dhigtay laba nin oo kala ahaa nin waardiye u ah dhulkana tusa lana siiyey xirfadda shaqo ee Ilaal (Guardian). Ilaalku wuxuu aaminsanaa inuu yahay ciidan nidaamsan, laakiin maaheyne wuxuu ahaa nin waardiyeeya ninkii caddaanka ahaa ee gumeysiga ahaa gurigiisa, loo mana ogoleyn inuu reerka ninka caddaanka ah soo dhex galo ee shaqadiisu waxay ku ekeyd kadinka hore ama irrida laga soo galo guriga. Ninka kale ee isna shaqada la siiyey wuxuu Cunto Kariye (Cook). Cunto kariyuhu wuxuu ahaa mid reerka ku dhex jira cuntada kariya dabadeedana qeybiya, wuxuuna u muuqday mid reerka ka xiga kan ilaalka ah.

Ninkii caddaanka ahaa wuxuu ka shaqeeyey colaadda labadan nin ee isku haybta ah laakiin mid walba shaqo la siiyey, muxuu sameeyey? Wuxuu ku amray kii cunto kariyaha ahaa inuu san la hadlin amase waxba siin ninkii ilaalka ahaa xataa wuxuu ka dhaadhiciyey inuu cuntada hambada ah ee reerka ka soo hadha uu fuusto bannaanka ku taal ku shubo isagoo u diidaya kii ilaalka ahaa. Halkaa colaad aan xal lahayn baa dhex gashay labadii shaqaale ee gumeytaha. Markii la gaadhay in xornimo beenaadkii la siiyo wadammaddii la gumeysanayey, gumeystihii wuxuu mid walba oo labadii shaqaale ka mid ahba dhegta ugu sheegay inuu dalkii iyo maamulkiisiiba uu isaga kaga tagay. Kii cunto kariyaha ahaa wuxuu ku yiri gurigan iyo dalkiiba adigaaan maamulkiisa kugu wareejiyey ee ninkaa ilaalka ah yuusan soo gelin haddii kale wuu kaa qaadayaa. Kii kale ee ilaalka ahaana wuxuu dhegta ugu sheegay inuu gurigii iyo dalkiiba isaga kaga tagay, cunto kariyahaana uu guriga ka saaro. Labadii shaqaale oo colaad dheer uu awal dhex dhigay ayuu haddana mid ka daran kula sii dardaarmay.

Wuxuu Kaffour warkiisa sii raacshay in waddamo badan oo gumysiga ka xoroobay aay markii hore madax rayid ihi xukunka qabatay, laakiin muddo yar dabadeed in taladii dalka aay la wareegeen madax ciidammo ah oo nooc afgambi ah ku yimi, taas oo Kaffour ku cabirayo in ninkii ilaalka ahaa galay gurigii kuna dilay amase ka cayriyey kii cunto kariyaha ahaa ka dib markii gumeystihii tegey.

Haddaba nooca dowliga ah ee loo sameeyey wuxuu ahaa mid ninkii gumeystaha ahaa dhistay dabadeedna uga tegay nimankii isaga u khidmeyn jirey iyo kuwii ilaalin jirey ee maaheyn mid dadku dhistay ee ummaddu fahmaysay. Dadka Soomaalida markii gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaanigu ka tagay wuxuu uga tagay nimanka aan soo sheegay qaybo ka mid ah, dadka Soomaalida ahna ma ahayn kuwo wax ka garanayay nidaamkaan gumeysigu ka tagay ee loo soo ergiyey. Laakiin waxaa dhacday si dadka la khaldo loona fahamsiiyo waxaan aayan garaneyn nimankii gumeysigu wax baray waxay ugu micneeyeen wax dadka Soomaalida ah fahmi karaan oo ahayd ”Hashii Maandeeq” sababtoo ah Soomaalidu Geelu micno weyn buu ugu fadhiyey oo way fahmi kareen.

Jahwareerkaa aay gumeystayaashu uga tageen waddammaddii aay gumeysteen oo weliba dadku Muslimiin ahaa, ummaddii wuxuu dhaxalsiiyey, in laga marin habaabiyo nidaamkii saxda ahaa ee aay isku maamuli lahaayeen, kaasoo ah nidaamka Shareecadda Islaamka oo ummaadu fahmi kartay, ileyn dadku Muslimiin bay ahaayeene.

Waxaa weli muuqata in dhabbihii lagu socdo oo weli kuwii aay dhaleen kuwii gumaystaha u khidmeyn jirey aay soo taagan yihiin iyagoo maalinba mid la soo saarayo oo la soo taagayo masraxa siyaasadda, markii kuwa hadda taagtaagan la ceebeeyo oo tuuro baas loo yeelana la cayrsho.

Waxaan taariikhda soo marin in jabhad noocay doontaba ha ahaatee aan weli laga adkaan amase la baabi’in. Dadka ku hamiyaya ama aaminsan in Al-shabaab laga adkaan doonana aayan ahayn kuwo garaadkoodu sareeyo, taariikhdana aan waxba kala socon. Waxaa hubaal ah in saaxadda siyaasadda Soomaalida aay marwalba isugu soo hari doonaan labada garab ee is haya kuwaasoo kala aha Garabka Alle (xisbu-Llaah) iyo Garabka Shaydaanka (xisbu-shaydaan), waxaana u kala taagan oo kala metelaya Mujaahidiinta iyo AMISOM, laakiin kuwa cawaanta ah oo aay hadda adeegsadaan ee Shariifyo iyo wixii la halmaalaba waa iska tagayaan dhawaan, sababtii lagu cayrin lahaa baana hadda falankeeda la hayaa.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy