Sh.Abuu Muscab oo ka Warbixiyay Dagaallo ka dhacay Galguduud iyo Muqdisho (Dhagayso).
Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.C/Caziiz Abu Muscab oo cawada waraysi Siiyay Idaacada Islaamiga ah ee Al-AndalusĀ ayaa ka waramay Dagaallo culus iyo Kamaa'in 24-kii Saac ee lasoo dhaafay ka kala dhacay Galgaduud, Afgooye iyo Muqdisho halkaas oo uu sheegay inay Gaadiid cadawgu lahaana ku qabsadeen halka qaar kalena ay ku gubeen, Askar iyo Maleeshiyana ay ku dileen.
Sh.Abu Muscab ayaa ugu horey sheegay in maanta ay Kamiin (Dhabagal) culus u dhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Maleeshiyo ka tirsan Mushrikiinta Galgaduud meel duleedka ka ah Degmada Ceel-buur, wuxuuna sheegay in Kamiinkaas ay kula wareegeen 3 kamid ah gaadiidkii Maleeshiyada oo 2 kamid ah ay ahaayeen hubka Lidka Diyaaradaha halka kan kalena uu ahaa gaari nuuca ay Soomaalidu u taqaano Qooqan.
Maleeshiyadii Qabuuro-caabudka ahaa ayuu sheegay inay ka dhinteen in ka badan 15 halka gaari afarad ay Miino kala kacday, taas oo tirada gaadiidka cadawgu uu waayay ka dhigaysa 4 gaari oo labo kamid ah ay tahay Tikniko, wuxuuna intaas ku daray in dhanka Mujaahidiinta ay halkaas kaga shahiideen 2 Mujaahid.
Dhanka kale Sh.Abu Muscab ayaa sheegay in Dagaal culus oo ay Xalay Mujaahidiintu ku qaadeen cadawga qabsaday Afgooye ay ku dileen 5 ka tirsanaa Gaalada Burundi iyo 8 Maleeshiyo Dabadhilif ahayd, sidoo kale Kamiin maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ayuu sheegay in lagu gubay Gaari Taw ah oo ay lahaayeen Gaalada Yugaandha, halka Kamiin kale oo isaguna ka dhacay Siinka-dheer lagu gubay Gaari C/Bile ah oo ay lahaayeen Maleeshiyada Soomaalida ah ee garabka siinaya cadawga Gaalada ah ee wadankeena kusoo duulay.
Sh.Abu Muscab ayaa sheegay in Howlgallada ay Mujaahidiintu ka wadaan deegaanadii uu cadawgu qabsaday ay u socdaan sidii loogu tala galay, Isla markaana ay Mujaahidiinta u sahlanaatay inay si sahlan u ugaarsadaan cadawga iskaga kala gooshaya Deegaanada ay kala deganyihiin ayana khasaare naf iyo maal-ba leh gaarsiiyaan, arintaas oo uu sheegay inaysan waqtigii uu cadawgu dhufaysyada ku jiray suurtagal ahayn.
Waraysiga Sh.Abu Muscab Halkan Ka Dhagayso


