Degmooyinka gobolka Banaadir oo laga cabsi qabo in laga waayo Gaadiidka Dadweynaha ee loo Yaqaano BL-ka. (Maxaa Sababay)

Written by Maamul on .

Qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay qaati ka joogaan Askarta TFG-da Soomaaliya oo lacago sharci daro ah xoog uga qaada goobo fara badan oo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ka howlgala Xaafadaha Baar Ubax, Cali Kamiin, Towfiiq, Carafaat, Coca-cola, Ceymiska, Huriwaa, Fagax iyo goobo kale oo farabadan kana mid ah 18-ka degmo gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in laga qaado lacago aan macquul ahayn, taasoo haddii ay sii socoto qarka u saaran inay shaqooyinka joojiyaan.

Askarta TFG-da oo markii hore Jidgooyinka lacagaha ay ku qaadaan ahayd goobo cayiman oo qaab qabiil lacagaha ku qaataan haatan wado kasta ayey qori la taaganyihiin, taasoo dhibaato ku ah inay sii shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha degmooyinka gobolka Banaadir haba ugu darnaatee xaafadaha aan kor ku soo xusnay gaadiidka isticmaala.

Saraakiisha Maleeshiyada TFG-da KMG Soomaaliya waxay sheegeen inay isbaarooyinka lacagaha baada ah looga qaado gaadiidka dadweynaha ay qaadayaan, laakiin uma suuragalin maadaama Isbaaro waliba dabada la gashay Qabiilka ay ka soo jeedaan.

Sidoo kale wadayaasha gaadiidka waxay sheegeen in maalin kasta laga qaado lacago ay ku sheegeen magac ahaan Soosto 50,000 Shilin Somali laga qaado taasoo u sii dheer tahay isbaarooyinka wadooyinka dhex daadsan.

“50,000 Shilin Somalia ayaa bixinaa subax kasta shaqeyso ama ha shaqeysan, laakiin waxaa noo sii dheer taas isbaaro joogto ah oo meel walba si taako taako ah u dhigteen Askarta TFG-da, meeshii ugu yar 4 kun ayaan bixinaa kuwa kale wayba ka badan yihiin..” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka isaga kala goosha Xaafada Suuqa xoolaha iyo Isgoyska Baar Ubax oo la hadlay Shabakada Somalilmemo.net Xarunta Magaalada Muqdisho.

Cabashadan ayaa qeyb ka ah cabashooyin horay uga soo yeeray wadayaasha Gaadiidka Xaafadaha Magaalada Muqdisho, waxayna ku soo beegmaysaa xili goobaha Wilaayaadka islaamiga ah gaadiidka isticmaala aan laga qaadin wax lacago ah, taasoo ay u riyaaqeen Wadayaasha gaadiidka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo
Muqdisho

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy