Wafula Wamunyinyi "Kenya Waxba laga weydiin maayo Howlaha AMISOM".

Written by Maamul on .

somalimemo.netKhilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhaxgalay saraakiisha ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan iyo dowladda Kenya ee duulaanka gardarada ah ay kusoo qaaday dalka Somaaliya.

Dhinacyadan dhamaantood xoogga ku jooga dhulka Somaaliya ayaa eedeyn kulul hawada isku mariyay arrinkaasi oo muujinaya in dowladaha reer galbeedka ee lacagaha kusiiya duulaanka Somaaliya ay dhankooda ismari la'yihiin.

Wafula Wamayiya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xerada Xalane ayaa ku eedeeyay Kenya in ay ku qaraabato magaca AMISOM iyadoo aan ogolaashiyo ka heysan taliska AMISOM.

"Waan ku qanacsaneyn Howlaha Kenya ee Somaaliya laakin kama yeelayno in ay xaddo magaca AMISOM wixii howlgalka AMISOM ku saabsan anagaa umadax banaan Kenya wax dan ah kuma lahan"ayuu yiri Wafula.

R/wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa maalmo ka hor Mareykanka iyo Midowga Yurub ka codsaday in dalkiisa laga qacansiiyo qabsashada magaalada Kismaayo ee Dekadda leh.

Dowladaha Nasaarada ee kusoo duulay dalka Muslimka Somaaliya ayaa wajahaya marxalad halis ah waxayna iska caabin xoogan kala kulmeen muslimiinta Somaaliya.

SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy