Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax goordhaw lala eegtay ciidamo ka tirsan Kenya…
Daqiiqado ka hor ah deegaanka Xerada Ifo lagu magacaabo oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Kenya ay gumeysato waxaa ka dhacay qarax xoogan kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Kenya oo saarnaa gaari nooca Xamuulka qaado..
Dadka deegaanka qaarkood oo xiriir aanu la sameynay ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu dhaliyay qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah iyadoo uu basbeelay gaarigii ay wateen ciidanka oo ahaa nooca xamuulka qado..
Ilaa Iminka lama hayo tirada rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi waloow la sheegayo in tobaneeyo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa waxaana Imika goobta qaraxa uu ka dhacay oo ah Xerada Ifo soo gaaray ciidan kale iyagoo halkaasi ka daabulay ciidankii qaraxa ku waxyeeloobay…
La soco wixii ka soo kordha qaraxaasi


