Ciidamada Mujaahidiinta oo Dagaal ku galay Beled Weyne.

Written by Maamul on .

somalimemo.netCiidamada muslimiinta wilaayada Islaamiga ee Hiiraan ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Beled Weyne oo ay ku suganyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya ee Somaaliya kusoo duulay.

Xalay fiidkii ayay mujaahidiinta weerar dhowr jiho ah ku galeen magaalada xiligaasi oo cadawga Xabashida Itoobiya kala daadsanaayeen, dadka ku dhaqan magaalada Beled Weyne ayaa xalay dhegahooda ku maqlayay dhawaqa rasaasta iyo madaafiic lays dhaafsanayay.

Wariye Bashiir Abuu Aymen oo Andalus katirsan ayaa ku sugan wilaayada Hiiraan wuxuuna soo sheegay in ciidanka mujaahidiinta ay xalay gudaha ugaleen degmada oo ay cadawga Xabashida kula dagaalameen.

Dagaalka xalay ka dhacay Beled Weyne wuxuu kusoo aadaya xilli ay ciidamada Xabashida dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan Beled Weyne iyadoona ay jiraan warar sheegaya in ay ka bixi rabaan wilaayada.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy