Ciidanka Somaliland Oo Xoog ku galay Masaajid iyo Madaaris Diinta Islaamka lagu barto (Warbixin).

Written by Maamul on .

somalimemo.netMaamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa sare u qaaday howlgalada uu ku baacsanayo dadka Ahlu Towxiidka ah ee ka shaqeeya faafinta dacwada Islaamka.

Ciidan Ashahaadda ladirir ah oo loogu magac daray ladagaalanka Argagaxisada ayaa sedaxdii habeen ee lasoo dhaafay u dhacayay masaajidda iyo dugsiyada lagu barto qur'aanka Kariimka.

Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in ciidan si gaar ah u tababaran oo taabacsan kuwa Ashahaadda ladirirka ay galeen Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargaysa iyo Madaraso diinta islaamka lagu barto.

Dad ku sugan magaalada Hargaysa ayaa sheegay in ciidanka RRU lagu magacaabo ay ku daateen guri ku yaala xaafadda Xigjiga halkaasi oo ay kalasoo bexeen Aabe iyo laba wiil oo uu dhalay.

Sidoo kale ciidanka Ashahaadda ladirirka Somaliland waxay jabsadeen markazka Ibnu Cabaas ee magaalada Hargaysa iyagoona qaatay Dukumiintiyo iyo kitaabo yiilay xafiiska maamulka.

Raadiyaha ku hadla Afka maamulka Somaliland ayaa baahiyay in ciidanka Argagaxisa ladirirka isku bixiyay ay gacanta kusoo dhigeen Hub iyo dad ay Xagjir ku tilmaameen.

Ciidamadan ayaa ah kuwa dadka Argagax geliya magaca ay wataan ayaa ah mid Bug ah waana  caksiga waxa ay sheegtaan in Habeen barkii culimada oo Ehelkooda lahurda loo dhaco oo lasoo kaxeeyo kadibna gaari madoow lagu tuuro ayaa ah Argagax weyn.

Somaliland ayaa Heshiis dhanka ladagaalanka Muslimiinta ah laleh Dowladaha Ingiriiska,Itoobiya iyo Mareykanka.

SomaliMeMo
Boosaaso

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy