Kulan Loogu Mahad Celinayay Beelaha Maxamuud Hiraab iyo Murusade oo ka dhacay magaalada Ceelbuur (Dhageyso).
Qabaa'ilada ansaarta ah ee dega wilaayada Islaamiga Galguduud qeybo kamid ah ayaa kaalin weyn ka qaatay dagaalkii jihaadka ahaay ee deegaanno wilaayada katirsan looga saaray cadawga Xabashida Itoobiya.
Mas'uuliyiinta maamulka Galguduud ayaa maanta kulan xasaasi ah laqaatay Odayaasha beelaha iyo qeybaha kala duwan ee beelaha Maxamuud Hiraab iyo Murusade.
Kulanka oo ay wilaayadu ugu mahad celinaysay labadaasi qabiil ayaa ka dhacay magaalada Ceelbuur waxaana halkaasi kalimado qiimo badan ka jeediyay Waaliga Galguduud Sheekh Cawaale iyo Odayaasha labada qabaa'il.
Munaasabadda oo lagu xoola qashay ayay qeybaha kala duwan iyo mujaahidiinta ku muujinayeen farxadda ay ka qabaan jabka cadawga Itoobiya oo dharaar cad isaga cararay Ceelbuur iyo Wabxo.
Halkan Ka dhagayso Waaliga Galguduud Sheekh Cawaale.
Odayaasha Maxamuud Hiraab iyo Murusade ayaa balan qaaday in ay ku taagnaan doonaan isgarab taagga Mujaahidiinta islamarkaana ayna qeyb ka qaadan doonaan sidii degmooyinka kale ee Galguduud looga xoreyn lahaay cadawga Xabashida Itoobiya.
Halkan ka dhagayso Odayaasha Beelaha Maxamuud Hiraab iyo Murusade


