JABUUTİ JİLBİS MİCİ KULUL warbixin iyo xog dhab ah, Muuqaalo iyo Sawiro ku saabsan Jabuuti

Written by Maamul on .

Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh.

Maqaalka Jabuuti Jilbis Mici kulul waa maqaal cilmiyeysan oo daaha ka qaadi doono wax badan oo Soomaalidu ka war la’dahay.

ARAR:

Waxa jirtay riyo ay dadka Soomaaliyeed waligood kuriyoon jireen oo ah in Soomaaliwayn lahelo oo dadka Soomaaliyeed ay mar uun midoobaan, balse riyadaas maalinba maalinta ka dambaysa way sii daciifaysaa maskaxdana way kasii baxaysaa kadib markii ...

Dalka Jabuuti waa dhul iyo dad aad uyar oo kunool geeska afriga gaar ahaan BAABUL MANDABKA ama meesha ay isaga dhawyihiin qaarada Africa iyo Asiya, dadka Jabuuti waxa lagu tiriyaa dadka soomaalida iyaga ayey lawadaagaan Taariikhda, balse majiraan Taariikh ugaar ah ama wax ay kaga caan noqdeen soomaalida kale.


Jiritaankooda iyo aragtidooduba waxay soo bilaabanaysaa markii ay koox yar oo katirsan Jabuuti ay isku dayday inay iska dhiciyaan gumaysiga faransiiska halkaasna waxa ka gurmaday oo caawiyey shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan gaar ahaan dawladii markaas jirtay ee kacaanka ahayd ee uu hogaaminayey MAXAMED SIYAAD BARRE dawladaas oo hiil iyo hooba lagarab is taagtay sidii ay isaga rogi lahaayeen gumaysiga faransiiska iyadoo udirtay ciidamo soomaaliyeed oo halkaas qaab dhuumasha ah ugalay kadibna iska dareskii ciidamada soomaaliyeed kadibna sheegtay inay yihiin jabhad Jabuutiyaan ah markii ay uso dhiciyeen gobanimadana kusoo noqday dalkooda balse faransiisku kadib ayuu u ogaaday ciidamadii ladagaalamay inaysan ahayn Jabuutiyaan ee ay ahaayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kadibna wuxuu bilaabay inuu dib ugumaysto dawlada yar ee Jabuuti, halkaas oo dadkii loohiiliyay ee shacabka Jabuuti ay dib ugu soo dhaweeyeen gumaystihii laga cayriyey waxaadna umalaysaa inay soo baxayso maah maah caan ah oo soomaalidu ay taqaan balse aan ku haboonayn inaan halkaan kusoo qoro.


DULUCDA HADALKA:

Dadka Jabuuti waxay ahaayeen dad ka maqan Taariikhda Soomaaliyeed, waxa lagu tirinayey soomaali inay yihiin balse lamaysan imaan waxyaalo soomaalida aad ugu dheereeyeen caalmkuna wax ka xusay waxa ka mid ahaa geesinmada, dagaalada, halyeeynimada, gabayga iyo suugaanta, cilmiga diinta, culimada, sheekooyinka, qisooyinka, dhaqaalaha, beerashada, kaluumaysiga, faanka, sharafta iyo gobanimada, dhamaan intaan caqliyeystay oo aan wax akhrinayey ama aan tariikh arkayey ma maqal halyeey Jabuutiyaan ah Taariikhda aan tilmaamayo maaha mid dhow ee waxan ka hadlayaa qarniyadii hore sida qarnigii koobaad ilaa qarnigii 19naad intaas waxay ahaayeen kuwo ka maqan caalamka, Jabuuti inkastoo ay kutaal meel aad umihiim ah hadana dadka dhagahooda waxa maqal ugu horeysay in dawlad faransiis ladhaho ay dagtay oo xoog ku qabsatay dhul kuyaal babul mandabka sanadkii 1932, maaha inaan xaqirayo dad Taariikhdooda balse Taariikhdu isma qariso dhulka soomaalidu degtana waa qaybo kala duwanyahay:


1- Dhulka manta loo yaqaan soomaali land ama wuqooyi galbeed Soomaaliya wuxuu leeyahay Taariikh aad ufacwayn oo ay ka buuxaan waxkasta ayan dhihi karaa dhankasta hadii aad udhaqaado waad ka helaysaa xitaa waxaa xusay khariidadii uu sameeyay al-idiriisi oo ahayd khariidadii ugu horeysay oo caalamka muujinaysa, waxa ka muuqata magaalada Berbara waadna arki kartaa.


2- Dhanka looyaqaan puntland ama wuoqooyi bari ee Soomaaliya iyada laftirkoodu waxay leedahay Taariikh facwayn ilaahbaa wayne, waxay Taariikhdoodu soo taabataa ka hor faraacinadii ama ilaa nabiyulaahi yuusuf iyo wixii ka horeeyay, wayna qorantahay wayna taal.


3- Dhanka koonfur iyaduna kama yaraysato labada kale waxay leedahay Taariikh waxaana uraaca xadaarado waawayn oo gaaraya kahor dhalashadii nabi ciise oo waxaa ka dhisan magaalooyin taaariikhdoodu soo tabato 3000 oo sano kahor.


4- Dhanka soomaali galbeed ama dhulka looyaqaan ogadenia waxay leeyihiin tariikh gobonimo doon tan ugu dheer caalamka waa dhul guulo waa dhul geesiyaal waa dhul halyeeyo.


5- Dhulka kale ee NFD loo yaqaan ama ah wuqooyi bari Kenya laftirkiisu waa dhul Taariikh leh balse ka Taariikh yar 4 aan soo sheegnay, Taariikhdiisuna taalo waa dhul ay waligood soomaalidu daganaayeen waxan ladhahaa dhamaan qaabaa'ilada dega Kenya waxay ka kala yimaadeen oo kasoo kala haajireen dhulal kale marka laga reebo soomaalida oo halkaas loogu yimi.


Hadaba intaan yaraa tariikhdaas waan maqli jiray lakin Taariikhda Jabuuti waligay ma maqal !!!. Runtiina ma jirto mana laha taariikh ay higsanayaan.

Dadku ama dalku hadysan Taariikh lahayn waa dad aan madaxa qaadi Karin waayo maba haystaan meel ay tiigsadaan, dunidu maanta waa labo:


1- dad kutaagan xadaarado (Erayga xadaarad waa kalmad asalkeeda carabi ah soomaali lagu fasiro malaha waxana ugusoo dhaw ilbaxnimo: waana dad isugu yimi halmeel oo dhistay nolol ugaar ah samaystay qaab ay unoolaadaan nolashana kusoo kordhiyey waxyaalo kucub sida dhar in laxirto qoriga wax lagu dilo kabaha laxirto guryaha sida loo dhiso, samaystay af gaara iyo dhaqamo ugaar ah, xadaarad markii laga hadlayo waxaa laga hadlayaa xiliyo hore iyo qarniyadii tagay ilaa abuuritaankii Aadam, waxayna ka dhalataa labo meelood: 1- Buuro 2- Wabiyeyaal ama agagaarka wabiga) hore iyo Taariikhyo hore oo ay xadaaradahaas ka ilaaliyaan inay bur buraan waayo iyada ayaa ilbaxnimo u ahayd, xadaaradohoodi ayey dib ugu noqdaan markay khalkhal dareemaan waxa ka mid ah dalalka: Masar, India, China, England, Greek, Iran, Iraq, sudan, Yemen, Saudi Arabia, Malaysia, Farence iyo kuwo kale, dhamaan wadamadaas waxa haga oo marjac u ah ilbaxnimadooda ama xadaaradahoodii hore waxa laga yaabaa si gaara inaad isha ugu fiiqdo Iraq oo aad tiraahdo xadaaradda aad sheegayso goormay arkeen waxan ku leeyahay dhamaan way ka xadaarad wanaagsanayd waxayna leedahay xadaarad xayirtay ama ay lawareereen xadaaradaha kale, waa meesha ay ku taal beer hoos ubaxaysa waxa dunida caadi ah in beertu dhulka ka baxdo korna ay ubaxdo balse Ciraaq magalo kutaal oo Baabil ladhaho waxad ugu tagaysaa beer dabaq ka baxday una baxday dhanka dhulka (yacnii caleemaha geedkeeda) ay ujeedaan dhanka dhulka xididadiina ay ujeedaan cirka, dunida kale way xayirtay wayna wareerisay, lakin waxa laga yaabaa inad isii waydiiso haday leedahay xadaarad maxaa bur buriyay waxan kugu jawaabayaa ciraaq waa labu- buriyay ee ismaysan bur-burin.


2- Wadamo kutaagan xadaarad soo socota balse aan lahayn xadaarad hore lakin hadana aan bur-burin balse ay isku celiso aqoon maadi tan ugu saraysa caalamka iyo aragtiyo dambe oo ay ku fakarayaan sida ticknoljiyada casriga ah, wadamadaas waxa ka mid ah Maraykan, Canada iyo Austarelia, malaha xadaarado soojiray gabigoodaba waxay soo bilaabanayaa 1492m wixii ka dambeeyay bal ee waxa ladhihi karaa waxaaba dhisay oo helay xadarado hore sida ingiriiska iyo faransiiska oo asal ahaamba ay kasoo kala jeedaan labadaas wadan ee aan soo xusnay. Sidaa darted Jabuuti midna mahaysto laa xadaarad hore walaa mid dambe laa Taariikh hore walaa tacliin dambe.


Waxa jirtay in kac-kaca soomaaliyeed lookala goostay shan qaybood waana tan maanta ladhaho shanta Soomaaliya, 3 kamid ah waxa gumaystay England ama British mid ka mid ah waxaa gumaystay Talyaaniga ama Italy midka soo harayna waa kan aan kahdlayo waxaa gumaystay faransiiska ama France, guud ahaan waxanu nahay dadka kaliya ee caalmka sidaas lookala gumaystay waanu ognahay sida ay ku timi in Somali galbeed laraaciyo itoobiya iyo NFD na laraaciyo Kenya, balse fiiriya khariidada gumaysiga Africa kuma arkaysid wadan maanta jira oo laba wadan kala gumaysteen aan ka ahayn Soomaaliya oo ay gumaysteen 3 wadan qofkii igula dooda iska reeb kilka shanaad iyo NFD waxan wili haya 2 gumaysi oo hal wadan ay kala gumaysteen, 2 daas dhul oo ah Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya wili kama helaysid wadan afrika ah oo labo wadan isugu tageen, anigu sidan u arko ama ayba tahayba waa ahmiyada iyo istiraatijiyada meesha ay dhacdo Soomaaliya oo ah meel cidii haysataa ayaa caalamka katalinayso.


Hadaba soomaali iskuma jirtee soomaalidu gumaysigii saarnaa way iska qaaday oo waxay kala hortimi Af iyo Adin siday uheli lahaayeen xornimada ku abuuran isirka soomaaliyeed sharaftana ay ulahaayeen, Soomaaliya waxay xornimada heshay 1950 balse layiri waan xornimo gaarsiinaynaa oo aan anigu u arkay in ka dheereesay wadamada kale ee afrika kadibna loo arkay in lala simo wadamada kale, waxaa kaloo kujirtay in wadamada xornimada qaatay inta udhaxaysa 1930-1950 ay yihiin wadamo xadaaradooda iyo jiritaankoodu aad ufacwaynyahay aadna caan uyahay balse Soomaaliya ay kujirtay lakin afka cag laga saaray si loo qariyo kartidooda iyo geesinmadooda, Jabuuti way ka hartay soomaalida oo waxay siii ahaatay mid habacsan oo dhabarka ku qaaday gumaysigii, runtii bal fiiri 1960 waxa soo gaba gaboobay 3 dii ahaa Somali birtishlandh Somali Italian iyo kilka shanaad, 1963 waxaa xoroobay NFD dhamaan soomaalidu xor ayey ahaayeen marka laga reebo Jabuuti oo mudo dheer ka dambeysay guushuna aysan ku keensan gacmaheeda balse ay ku keentay gacmaha umada kale ee soomaaliyeed, tiro aad iyo aad uyar oo Jabuutiyaan ah ayaa is waydiisay maxa anaga nagu reebay gumaysiga? intii yaraydna maahayn mid qaban kartay awood badan sidaa darteed waxay hiil soo waydiisteen wadanka Soomaaliya oo markaas awooda afrika lagu tirin jiray soomaalida waxba kama hagran Jabuuti waxay udirtay ciidamo dhuumaalaysi ku gala dalka kadibna sidii ayey Jabuuti ku xoroowday inkastoo kalmada xorowday aan ku deg degay, waxaa jirtay in faransiisku ay kusoo noqdeen Jabuuti iyagoo damacoodu uusan dhamaan waxayna qarmada midoobay kasoo qaateen waraaq yar oo sheegaysa inay xoroobeen oo ay yihiin dawlad jirta, waxa layaab leh Jabuuti maxa lagu siiyay xornimada maxay samaysay oo aysan samayn dadka kale, waxa hubaal ah in faransiisku uusan rabin inay soomaalidu kuriyoodaan inay Jabuuti ka mid ahayd si uu ku ilowsiiyana wuxuu usoo qaatay waraaq yar oo uu ugu sheekeeyay waad xorowdeen, Jabuuti maanta waa dhul uu leeyahay gaalka faransiis bal walaalkayoow ila fiiri dhulka loo yaqaan OGADENIA intee sano ayey dagaalamayeen intee sano ayey xornimo raadinayeen mala simi karaa gobanimo doonkii Jabuuti iyo gobonimo doonkii ogadenia? jawabtu waa dhankaaga, sidoo kale fiiri dhulka Somaliland qaylada ka yeeraysa ee ay ku doonayaan inay xornimo helaan waxay sameeyeen wax kasta oo lagu aqoonsan karay ilaa hadana wax usoo dhaw xitaa mahayaan maxa jira? Jabuuti miyey ka fiicnayd mise kaba fiicantahay dhulka soomaali galbeed, waxa xaqiiq ah in dhulka Jabuuti uu ka ahmiyad badan yahay dhulka intiisa kale sidaa darteed waa in laga dhigaa wadan gooni ah oo aan sidaas lagu dayn ee lagu dul xukumaa.


Dadku waxay dhaliili jireen madawaxwaynaha hada xukuma Jabuuti balse anigu waxan dhaliilsanahay isirka qawmiyada soomaaliyeed ee Jabuuti, maaha inaan leeyahay kuli way xunyihiin majiraan dad wada xun ee waxa kujira dad fara kutiris ah oo dadnimadu ay ku hartay, waanu ognahay in Jabuuti ay ka kooban tahay soomaali, canfar iyo xoogaa yar oo carab ah, dhaamntood marka la isku daro waxay dusha saarteen nolol dulinimo iyo gumaysi aad ufoolxun.


Markii xornima kusheega loo sheegay waxa dalka madaxwayne ka noqday Xasan Guuleed Abtidoon wuxuu ahaa nin nool oo karti leh, balse wixii ka dambeeyay ninkaas waxay noqdeen dad liita oo sameeya waxkasta oo liita.


Hadii aan uboodo Taariikhda markay ahayd 1991 markii Soomaaliya ay burburtay waxa jiray in reer Jabuuti ay ku farxeen walaalahood bur-buray, waxay bilaabeen inay madxa kaga sii istaagaan si aysan dib dambe ukicin, qoraaga wayn ee soomaaliyeed Cabdulqaadir “Aromo” wuxuu bugiisa qaran Sababahii burburka Soomaaliya cinwaanka ah wadamada dariska iyo burburkii Soomaaliya in wadamada darisku dhamaan waa sadexda wadan ee Ethiopia, Kenya, Jabuuti dhamaan xaqiiqdii kamuusan reebin Jabuuti wuxuuna u isticmaalay si dhab ah sidan "markii Soomaaliya ay kuftay waxay kaga istaageen dhabarka si aysan usoo kicin" xaqiiq Jabuuti dhabarka ayey kaga istaagtay Soomaaliya waxayna isugu habar wacatay sidii ay ucuni lahaayeen maydaas shiilan, waxana sheeko yar ku maqlay in dhurwaaga uu yahay waxa aanu ugu necbnahay tusaalaha ugu xuna aanu isugu tusino" dhurwaa ayaa layiri hooyadaa way dhimatay markaas ayuu yiri iigeeya aan bakhtigeeda cunee, markaas ayaa hadan layiri warku sidaas maahayn ee way nooshahay markaas ayuu hadan yiri iigeeya aan nuugee" Jabuuti ciil ayey uqabtay inay mar uun udhacdo Soomaaliya sidii ay bakhtigeeda ucuni lahayd haday dib usoo kacdana waxay dhihi lahaayeen walaalaheen ayaa tihiin nacaawiya sidad noocaawin jirteen.


Jabuuti Soomaaliya waxay uqabatay 3 shir oo waawayn oo dib uheshiisiin ah iyo 5 kale oo yar yar ah, 3da waawayn waxa latusayey shacabka soomaaliyeed in loogu naxariisanayo balse ay ahayd ku dhinta oo hasoo kicinina.


1- Kii koobaad wuxuu ahaa kii lagu soo doortay Cali Mahdi, maxaa cali mahdi loo doortay iyadoo la ogyahay inay jirtay shuushuu ka dhaxaysay labada beelood ee Habar gidir iyo Abgaal waxa la ogyahay in dalka intiisa badan ay markaas haysteen maaleeshiyadii UNC isla markaasna awooda dhan waxa hayey gaar ahaan Habar gidir oo dhulka dhan ku faafay waxana hogaaminayey jenaraal Maxamed Faarax Caydiid, jenaraalka wuxuu usoo dadaalay oo uunoqday ninka kaliya ee awooda uyeeshay inuu dumiya nidaamkii maxamed siyad barre dadaalkaas wuxuu usoo galay inuu dalka madax ka noqdo, iyadoo la ogyahay taas ayaa waxa loosoo dooray nin dhig la ah ama kasoo jeedaa beel ay dirir ka dhaxayso, arinku wuxuu ahaa jenaraalka iyo Cali Mahdi inay isku burburaan hawshuna inaysan dagin.


2- Shirkii labaad wuxuu ahaa kii lagusoo doortay cabdiqaasim kadibna waxa la dhex keenay abeesooyin halaqyo ah oo meel uu uga baxo uusan haysan Jabuuti intay keentay hotel Ramadaan ayey ka tagtay Cabdiqaasina meesha ayaa lagu cunay oo hotelkaba ma dhaafin.


3- Shirkii sadexaad waxa lagu doortay shariif sheikh axmed isaga markay dooranaysay Jabuuti waxa laga taageerayay madaxtooyada iyo baladwyne oo kaliya Jabuuti iyo wixii lawaday shirka waxay awood ulahaayeen inay isku keenaan intii ladagaalamaysay itoobiya micnihii jabahadii ladiriray balse masamaynin ee ninkii ugu tabar yaraa ayey dhex keentay halaqyo is bahaystay waa tii lagusoo dhaweeyay hoobiye yaasha ilaa hadana sidii ayey udhacayaan hoobiya yaashii ufiirso 3 dooda markii lakeenay midna muqdisho lagama taageeraysn oo midkastaba isagoo lawado ayaa lakeenayey.


Jabuuti ilaa 1991 waxay Soomaaliya ula dhaqmaysay si cadaawad ah oo cad balse aan ku jirin gacan ee ah shirar qarsoon shirqoolo iyo kharashaad lagu burburinayo nidaamyada iyo qaranima doonkii la isku dayey.


Jabuuti waxan dhihi karaa waxay ahayd neef caato ah ka hor burburkii dalka, balse markii Soomaaliya la jilaafeeyay oo lakufiyay waxay bilowday inay dhuuqdo oo dhiiga ka dhuuqdo sidaasna ayey maanta ku cayishay kuna caano maashay, Jabuuti waxay afduubtay wax kasta oo soomaali lahayd waxayna caalamka ka dhaadhaac siisay in isirkii soomaaliyeed ee la aqoon jiray uu baaba'ay oo kaligood ay ka taaganyihiin, Jabuuti oo uu hogaaminayo ninka maanta hogaamiya waxay caalamka usheegtay in xalka Soomaaliya ay hayaan iyaga oo kaliya cidkalena aan awood ulahayn inay xaliso maadaama ay iyagu yihiin dadka ku hadla afka soomaaliga, bal qofkii awood uleh hafiiriyo hal habeen ah TV qarankooda RTD waxad ku arkaysaa wufuud aad ufara badan oo maalinkasta kasoo dagaya Eraboorka oo booqasho ugu tagaya madawxwaynaha oo maxay rabaan? wax kale maaha waadna daawan kartaa wariyaha ayaana afkiisa ka sheegaya wuxuuna leeyahay wariyuhu "waxay kawada hadlayeen sidii loo xalin lahaa Soomaaliya" madaxwayanuhuna laftirkuusu uu qiranayo inay kawada hadlayeen xalka Soomaaliya, waxa uu hoos uga sheegaa inaysan cid kale awoodin arinta kusaabsan xalka Soomaaliya halkaas wuxuu kaga qaadaa lacago aad ufara badan, xaqiiq waxaa ah inay ku uururto qasnadaha madawaynahaas balaayiin doolar oo loogu tala galay in Soomaaliya loogu xalin lahaa, balse lacagtaas qaarna lakaydsado qaarna laga shaqeeyo sidii Soomaaliya loogu bur-burin lahaa.


Sanadii 2001 Jabuuti waxay marti qaaday ciidamo maraykan ah si ay halkaas saldhig uga dhigtaan ugana duulaan horeyna waxa ujoogay 5000 oo ciidamo faransiis ah oo dahanooda gaar ahaaneed meeshaa ku fushada, hadaba maxay tahay ujeedada ciidamadaas maraykanka ee halkaas jooga? Waxaa xaqiiq ah in halkaas ay uyimaadeen inay ka waardiyeeyaan dadka diinta ku adag adag ama ay uyaqaaniin xag-jir ka inay Soomaaliya ku fidaan taasi waxay sababtay in Soomaaliya dabkii ka shidnaa uu sii holco baasiina lagusii shibo, waxaa bilowday dagaal cireed lagu duqaynayo qofkasta oo laga dareemo inuu mayal adagyahay.


Intaan ugalin dhibaatooyinka ay sababtay Jabuuti aan xuso in ay jiraan 3 dal oo dawladii Soomaaliya ee kacaanka ahayd ay hiil iyo hooba lagarab istaagtay si kal iyo lab ah ula jirsatay, 3 daas dal waa ITOOBIYA,UGANDA iyo JABUUTI , itoobiya waxa haystay Mingiste waxana mucaarad ku ahaa Raysal wasaaraha hada haysta ee Mele Zanawi wuxuu ku noolaa muqdisho wuxuuna bartay dhaqamada soomaalida wuxuu ugu dhexnoolaa si xarago iyo soo dhawyn leh xaafada African Village ayuu kunolaa waxaa soo koriyay oo taba baray halyeey Maxamed siyaad barre markii uu kuwareegay xilkana wuxuu bilaabay inuu dhinaciisa ka cuno Soomaaliya oo waa tan maanta ciidamadiisa kusoo noqnonayaan Soomaaliya, noolana dhaqmay si ka xun siday noola dhaqmi jireen boqaradii gumaysatayaasha ahaa ee itroobiya, ugandha Soomaaliya way uhiilisay oo waxay ka dhicisay dariskeeda Tanzania way lagarabtaagtay ilaa ugandha jacayl ay uqabto Maxamed siyaad bare ay ubixisay wado ka mid ah wadooyinka kampala "siyad barre street", balse abaalkeedu wuxuu noqday iyaduna inay dhinaceeda ka gasho sidii loocuni lahaa maydka Soomaaliya, Uganda waxay sheegatay inay Soomaaliya ciidamo ugu soo dirtay jacayl ay ay uqabto balse ciidan xabad kugu ridaya kuma jecla waxadna ka dareemi kartaa sida ay hada ulaayeen shacabka soomaaliyeed oo hoobiye yaasha ugu ridayaan waxkasta waa la ogyahay waana wax qoran markii hoobiye looga soo tuuro meel waxay duqayn jireen suuqa bakaara oo aan waxba laga soo tuurin taasina jacayl aad noo qabtaan maaha abaalkii aan idiin galnayna waad buriseen.


Jabuuti madaxwayanaha Jabuuti ee xiligan wuxuu ahaa madaxa sirdoonka Jabuuti waxa udooray oo booskaas geeyay Maxamed Siyaad Barre kahorna wuxuu joogi jiray muqdisho wuxuuna ufulin jiray madaxwayne Siyaad Barre shirqoolada hoose iyo dadka dilkooda laqosheeyo waa caan wuxuu wadan jiray 20 nin oo shuutariin ah waxay madaxa ka toogan jireen cidii loo diro booskaan maanta uu jooga abaalkiisu wuxuu noqday in dadka soomaaliyeed uu madaxa ka toogto oo hilibkoodana cuno.


Jabuuti waxa lagusoo dabraa dhamaan qorshayaasha dalkeena lagu burburinayo oo dhan sida suntii lagu shubay badaha Soomaaliya oo uu saxiixay Cali Mahdi, Jabuuti waxay afduubtay dhaqaalaha soomaaliyeed waxayna bilowday in waxkasta oo kusaabsan lacaga iyo dhaqaalaha ay soo maraan dalkeeda waxay isugu yeertay ganacsada soomaaliyeed waxayna usamaysay gudi, xaruna uga dhigtay Jabuuti.


Waxay ila tahay inaan hadalkii is dhex galieyey bal aan isku dayo inaan idiin kala saaro si fahanku uwanaagsanaado.


SIYAASADDA:

Wixii aan kasoo hadlayey waxay ubadnaayeen siyaasad balse si qoto dheer aan hoos ugu galno anagoo siyaasadii ukala qaybinayna labo qaybood:


Siyaasadda Gudaha: siyaasada gudaha waa mid aad ucakiran dadkana aan loosoo bandhigin waxana ogaankara qofkii sii baar baara, dalku waa jamhuuri lakin waxa usii raaca digtaatooriyad aad ucabirin badan, madaxwaynha waxaa u afduuban dhamaan dalka, talada isaga fura oo xira cidkale looma ogala, dadku isaga ayey udulaysan yihiin waxay ka dambeeyaan caalamka oo dhan markii la fiiriyo dhankasta, shacabku waxay ku jiraan labo xukun oo adag midi waa kan faransiisku uu kuhayo oo waligiis soo jireen ahaa waxa usii raaca kan uu ku hayo madawaynaha dalka iyo xukuumadiisa, dastuurka dalka waxaa ku olaanjiray in madaxwaynaha dalka labo jeer ka badan aan la dooran Karin waxa loo badalay inuu yahay mid abadi ah oo waligiis aan dhicin, wuxuu ku khasbay dadka inay dhahaan Aabe, waxaa intaas oo dhan ka daran kana xun in qofkii wax qabta uu yiraahdo waa firikii madaxwayanaha iyo dadaalkayga waxaa khasab looga dhigay inay waxay qabtaan ay utiiriyaan madaxwaynaha taas oo ka hor imaanaysa shareecada islaamka gaar ahaan caqiidada.


Waxaa ka jira gudaha caburis dhanka xoriyatul qawlka ah saxafadu waa mid waa mid u afduuban qoyska madawaxtooyada oo kaliya dhamaan isgaarsiinta iyo telafoonadu waa mud qura waa hal shirkad sidoo kale meelaha baraha bulshada kuma arkaysid Jabuutiyaan ama social network sida facebook ttwiter iyo kuwa kale.


Si uu uga sii jeediyo daldalasha khayraadka dalka iy kutakrifalka waxkasta oo dalkaas uu lahaa madaxwaynuhu wuxuu umada kusii jeediyay Riwaayado Heeso iyo Ciyaaro taasna waa dhaqamada lagu yaqaan kaligood taliyeyaasha, isagoo duhiibay dekadda jabuti wiilkiisa.


Waxa jiray mar isku day ahaa in mudaharaado la qabto si loo rido madaxwayanah hada haysta si ay ugu daydaan wadamadii kacdoonadu ka dhaceen sida Libya, Masar, Yemen, Suriya, balse masurto galin oo dalku waa dal gumaysi taam ah kujira maaha shibhu gumaysi.


Waxaa jiray dhawr jeer in doorasho laqabtay kulli waxaa kushiban jiray ninka hada haya, balse tii ugu dambeysay ayuu ogalaaday bal in lala tartamo iyadoo isagaba maryeyn baahsanina ay dhacday sida sawirka amin caamir ka muuqata.


 

 

 



Siyaasadda Dibadda: Jabuuti intuu uu haystay madawaynahana hada haysta waxay kula dhaqantay dariskeeda darisnimo xun iyadoo isku halaynaysay awooda farancsiis waxay faraha ku fiiqday Erateria kadibna markii ay is galeen ku waalatay cabaad iyo halayga qabto waxaa si xun ula dhaqantay dhulka ku dhagan ee ay walaalaha yihiin wuqooyi galbeed Soomaaliya ama dadku ay uyaqaaniin Somaliland waxaysan wax dhib ah dhexmarin dalka dariska la ah ee itoobiya, Jabuuti waxaa si cadaawad kujirto ula dhaqantay shacabka soomaaliyeed iyadoo lawareegtay dhamaan qorshayaasha dalkaas laga fulinayo.


Jabuuti waxay soo agaasintay iskuna soo duba riday dhamaan qorshayaashii dilka ee ka dhacay Soomaaliya 12 kii sano ee ugu dambeeyay hadii aan sii yara furfuro:


Waxay ka dambeysay ama lagusoo agaasimay dhulkeeda dilkii loo gaystay Aadan Xaashi Cayroow oo ahaa hogaayihii ugu sareeyay markaas kooxda al-shabaab dilkaas oo ay fuliyeen maraakiib kasoo kicitimay dekadaha Jabuuti.


Waxay ka dambeysay dilkii loogaystay culimo katirsanayd jamaacada tabliiqa oo lagu laayey magaalada gaalkacayo, shirqoolkaas oo udhacay sidan: waxaa lasheegay inay jamaacadaan diyaarad kasoo raaceen Eraporka Jabuuti waxa horey usoo raacay kabtan maraykan ah oo ka tirsan ciidamada maraykanka ee kusugan dugaha Jabuuti kadib markii ay kasoo dageen eraboorka gaalkacayo wuxuu udhiibay boorso lacag ah qoladii markaas samaysay dilkaas qorshaysayna, wuxuuna kuyiri kuwan hada diyaara kasoo dagayaa udhameeya yacnii diyaara ay saarnaayeen ayuu lasocday markuu kasoo dagayna dib ayuu diyaaradii ugu noqday isagoo amarkiina bixiyay, isla markiiba waxay ugudbeen misaajid kuyaal galkacayo kadibna saaladii subax aya si naxariis darro ah loogu bilbilay rasaas misaajidka gudahiisa.


Jabuuti waxay agaasintaa isku duburidaa loogana taliyaa ciidamo lasheegay inay magacoodu yahay PIS puntland ah iyo kuwo Somaliland ka howlgala dhamaantood waxay qaataan lacag fawqal caqli ah hawshoodu waa inay mishimeeyeen dadka loo tilmaamo soona qabtaan qofkii loo diro waxay ku khaldameen dad badan oo aan dhiigooda lawaydiin, waxay ka awood badan yihiim madaxda ka talisa labadaas gobol waxaa caawiya diyaarado dul heehaaba habeenkasta oo guuxooda ay caruurtu kaseexan waydo.


Waxay ka dambeysay dilkii loogaystay hogaamiye al-qacida ahaa oo ladhihi jiray saalax cali nabhaan iyadoo lagu dilay wado udhaxaysa marka iyo muqdisho qorshahaasna wuxuu udhacay sidan:


Hogamiyahaas wuxuu ahaa nin udhashay wadanka Kenya wuxuuna kunoolaa wadankaas mudo badan, wuxuu dalkaas ka fuliyay mishino badan oo ula kacay Maraykan iyo Yuhuud balse wuxuu ubadnaa cadaawada yuhuud oo uu aad utaargadeen jiray wuxuu ka dambeeyay qaraxii safaarada Maraykanka iyo hotel ay yuhuudu lahayd oo kuyaalay Mambasa sidoo kale waxa ka fashilmay inuu qarxiyo diyaarad ay saarnaayee israa'iliyiin sidaa darteed ninkaas radintiisa waxa kawada qayb qaatay Maraykan iyo israa'iil, kadib raadintiisa iyo helidiisa waa ku guulaystay ciidamada sirdoonka ee Maraykanka balse waxa dhacay is jiid jiid ku saabsan cida qorshaha fulinaysa yuhuuda waxay aad ugu adkaysteen inay yihiin dadka dhibanaha ahaa ee uu ninkaas dhibay ee ay iyagu yihiin cida soo qabnaysa kadib waxa qorshaha fuliyay unug ka tirsan ciidamda yuhuud oo dhexjoogay saldhiga Maraykanka ee Jabuuti qorshuhu wuxuu ahaa in lasoo qabto balse isaga iyo walaalkiis iyo istaafgiisu waxay go'ansadeen inay meeshaas ku dhintaan oo aan marnaba laqaban goortii ay usuurta gali wayday waxay bilaabeen inay duqeeyaan oo meesha ku tirtiraan waana ku kuwan ciidamii fuliyay hawshaas hada iskuma hayno dilkii Saalax Cali Nabhaan malagu saxsanaa mise waalagu khaldanaa ee waxan maxallu shaahid kaygu yahay cida fulisay iyo meesha laga soo abaabulay iyadoo wasiirka arimaha dibada ee Kenya uu cambaareeyay dilka muwaadinka kenyaanka ah Maraykana ku tilmaamay wuxuu doono inuu sameeyo.



Ayaga oo diyarada sii fuulaya

 


Kadib markay kasoo dageen


Jabuuti daily waxay lakulantaa wafdiyo ka kala yimaada caalamka iyadoo utilmaamta in Soomaaliya ay wadaagaan diir iyo afba ayna xalin karaan wax kasta oo kusaabsan Soomaaliya halkaasna waxay kaga qaadaan lacago aad ubadan balse lama arko meel ay maraan, waxaa ka mid ah hada kahor in Jabuuti ay kusheegtay inay qorshayaasha lagula dirirayo burcad badeeda ay soo maraan Jabuuti balse arinkaas ay ganafka ku dhifteen dawlad gobaleedka Puntland oo ay arintaas isku murmeen, Jabuuti waxay soo dhaweysay ciidamo Japan ah oo ladagaalamaya burcad badeeda, balse mahubo inay hada joogaan iyo inay soo socdaan, haday yimaadaan waxaynoqonaysaa Jabuuti inay gudaheeda kusuganyihiin 3 quwadood oo caalamka ka mid ah.


Jabuuti 2011 dii waxay casuntay dhamaan TV yada ka hawlgala gudaha Soomaaliya inay ka samaystaan xafiisyo caasimada Jabuuti, si ay uga dhaadhiciso shacabka soomaaliyeed fikrad aan jirin oo ah "waan idin jecelnahay", waxay casuntay TV yadan: UNIVERSAL TV, SOMALICHANNEL TV, HORN CAPEL TV, ROYAL TV, SOMALI24 TV iyo kuwo kale.




Iydoo ku amartay inaysan duubin wax aan loo dirin iyo inaysan siidayn wax aan ladhihin siidaaya, waxay kala kulantay cawaaqib xun iyo siday ugu tala gashay maahee si kale inay wax udhacaan qisadaasna gadaal ayaan ku xusay ee hoos udag.


Jabuuti waxay waligeed cadaawad uqarin jirtay shacabka soomaaliyeed ugu dambayntiina cadaawadeeda banaanka ayey usoo saartay oo waxayba ku duushay Soomaaliya ciidamadeedina dul dhigtay gudaha muqdisho waana markii ugu horeysay ee ciidamo Jabuutiyaan ah ay arkaan Soomaaliya.


Gabar Ditoorad ah oo soomaali ah ayaa maqaal ay qoray 2010 waxay kuu sheegtay sidan:


Wadamada dhaca Afrika inta cadaawadooda muuqato iyo inta cadaawadooda ka qarsoontahay shacabka soomaaliyeed ufiirso waa afrika oo kaliya waxay ku bilowday 3da cadaawadooda muujiyay:

1- Itoobiya

2-Uganda

3-South Africa

Waxay ku xijisay sadexda cadaawadoodu ka qorsoontahaya shacabka soomaaliyeed:

1-Masar

2-Jabuuti

3-Tanzania

Waxay sheegtay halka wadan ama wadanka kaliya ee afrika kuyaal ee umuujiyay shacabka soomaaliyeed walaaltimo, kalkacayl iyo hiilba lagarabtaagnaa, wuxuu noqday Sudan, walaahay waxan iri waad ku sugtay gabaryahay suudaan way ahayd waana ahaantooda wadan Soomaaliya iyo soomaalidaba jecel, waxan aad uga carooday waana markii ugu horeeysay ee aan naco soomaaliland waxay ahayd markay udabaal dagtay goosashada dawlada koonfurta sudan oo ay ku faraxday war maxaad ku farxaysaan? ma in madaxwayne Cumar Xassan Al-bashiir labahdilo, lala diriro isaga iyo shacabkiisa miyaad ku faraxsantihiin? walaahay aqoonsi raadintu waxay idin lamaraysaa in hadii dharka dhan dhiga laydin dhaho aad samayn lahaydeen, hadii aan taas kasoo noqdo walaasheey waxan leeyahay waad dadaashay waana ku sugtay balse xaalad is badashay cadaawadiina muuqatay.


Jabuuti markii ay Soomaaliya qarankeeda dumay waxay xuduuda ka xiratay shacabkii soomaaliyeed ee cararka ahaa halka wadamada itoobiya iyo Kenya ay ufureen xuduudahooda, "waligay ma maqal qof soomaali ah oo qurbaha jooga oo yiri Jabuuti ayan kasoo dhoofay" dhamaan dadkeena qurbo joogta ah waxan kasoo kala cararnay Kenya iyo itoobiya waxaa soo raaca yemen iyo wadamo kale, balse Jabuuti waxay dhaar ka martay in qof soomaali ah ka aado eraboorkeeda dibadda inuu taransit yahay maahe, waad arki kartyaa sida ay soomaalidu uga buuxdo dadlalka itoobiya iyo Kenya iyo sida ay dakhli badan usoo galisay dalalkaas wax dhib ahna aysan ku hayn, Jabuuti xumaanta ay kula dhaqantay Soomaaliya iyo soomaalidaba waa mid la xisaasbin doonee, waxaa kunool Jabuuti gudaheeda qaxooti yar oo soomaali ah meesha ay joogaana way ku dhibanyihiin mahelaan dhoof iyo dheef, mana maqlaysid iyagoo wax loo tarayo kaliya waxan maqlaa marka ay BBC da wax ka baafinayaan.


DIINTA IYO DHAQANKA:

Jabuuti waa dal yar oo aad uyar dadka daganna waa dad aad uyar waxay isugu jiraan canfar iyo Somali iyo xooga yar oo carab ah diinta dalka ugu badan wa islaam waxana islaam ah 80% inta kale waa kiristan iyo calmaaniyiin, majiro wadan ka mid ah wadamada aduunka oo diintuusu udhamastirantahay 100% diintuusu tahay islaam aan ka ahayn Somalia iyo Afganistaan labadooduba maanta waa under fire.


Qiso yar oo gaaban: sanadku markuu ahaa 1997 waxaa magaalo Somalia kutaal noogu yimi wiil dhalinyaro ah oo ka yimi dalka Jabuuti oo hayb qabiil ahaan ah noogu yimi wuxuu dadka waydiiyay cideen,a markaas ayaa loosoo tilmaamay xaafadeena markii uu guriga yimi waxaa lawaydiiyay cida uu yahay kadibna wuxuu sheegtay cideena waficlan wuu ahaa qabiilkeena, kadib waxaa ladijiyay qol, mudo ayuu nala joogay Aabena wuxuu ugu maqnaa inuu jifida hoose ee uu kasii ahaa uu uraadiyo si uu ugu wargaliyo, maalmo ayuu nala joogay kadib maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxay Hooyo iidhiibtay qadadiisa si aan ugu geeyo xiligu wuxuu ahaa duhur sida caadada ahna duhurka waa kulayl Soomaaliya, qolkii ayan galay mise wiilku wuu feera qaawanyahay waxana surka usuran Mucatab ama siliska surka lasurko oo ah calaamadda kiristanka ah,

 

 



waan naxay waana jiriricooday cunadii ayan dhigay kadibna waan kasoo baxay waxan deg-deg ugalay qolkii Aabe waana usheegay inuu wiilku yahay kiristan Aabe wuxuu igu yiri "astaqfurulaah dheh" waxan iri Aabe taas wa hubaal ee bal ila arag arinta, Aabe wuu iska seexday galabtii markii uu casarka misaajidka aaday kadibna salaadii casar laga soo baxay ayuu soo wacay telafoonka xaafada wuxuu yiri iigu yeera wiilka kadib waan uyeernay, aabe wuxuu kula balamay meel biibito ah kadibna wuu waydiiyay waxa uu yahay iyo diinta uu haysto, wuxuu usheegay inuu kiristan yahay, Aabe dhiig-kar ayuu qabay aadna wuu ucarooday wuxuu kuyiri maxaa kug kalifay inaad gaaloowdo? Mudo ayey wada doodeen goortii uu aabe sal ka gaari waayey, wuxuu ku amray inuu guriga ka baxo oo alaabtiisa saacad wax kayar kaga gurto guriga, isla markiina Aabe wuxuu la xiriiray cidii ama jifidii hoose ee uu ka dhashay gurig ayuu noogu yimi alaabtiisa ayuu qaatay magaaladana wuu isaga baxay, magaranayo meel uu aady balse waxay ahayd markii iigu horeysay ee aan arko qof soomaali ah oo gaal ah. Ilaahoow diintaada nagu sug.


Hadii aan utalaabo ku dhaqanka diintu waa mid baaba'ay ama doorsoomay wax diinta islaamka looga dhaqmo majirto diintaa walahaystaa uun ee laguma dhaqmo dalka waxaa ka taliya France waxkasta isaga ayaa looga daydaa xitaa luqada tan labaad waa faransiis marka laga yimaado soomaaliga lakin mudo dhaw kadib arintaasi way isbadalysaa.


Waxan jeclaan lahaa inaan wax yar dib umilic sano qisadii cawke.


Cawke iyo Jabuuti iyo Universal TV:

waxa jirtay qiso layaab leh oo dhacday sanadkii aan soo dhaafnay dabayaaqadiisi, kadib markii uu madaxwayanaha Jabuuti casumay dhamaan chenallada afka soomaaliga ku hadla ugana furay xarumo magaalada Jabuuti, ayaa waxaa booqasho Jabuuti kutagay wariyaha faca way nee Cawke oo aad sawirkiisa halkaan ku aragtaan

safarkii uu kusoo maray Jabuuti ayuu uga waramay gabar ka tirsan wariyeyaasha universal TV.


Muxuu kusoo arkay Jabuuti: waa su'aal ay waydiisay bishaaro, Cawke wuxuu kujaabay waxan kusoo arkay Jabuuti 3 arimood:

1-Kulayl

2-Kaneeco

3-Koronto la'aan

Markaas ayey warihii waxay tiri intay qosashay "oo ma sadex K ayad kusoo koobtay", dabcan cawke wuxuu bilaabay inuu faahfaahiyo 3daas, waa tan koobaade Jabuuti waa meel aad ukulul haba kululaatee waxaysan lahayn koronto iyo biyo, waxaa dadku ka cabanayaan biyo la'aan waxa intaas usii raacay kaneeco aad ufara badan oo waawayn oo dalka dhan kubaahsan dadkana cudur kuwada dishay waxaa intaas usii raaca in adeegyadii bulshada ay gabaabsi yihiin maadaama dakhligii dalka uu afka ku shubtay madaxwaynuhu lana sheegay inuu guryo ka iibsaday bartamaha PARIS, Cawke wuxuu intaas raaciyay oo ka hadlay fadliga uu leeyahay iyo ujeedada loosoo dajiyay quraanka kariimka ah kadibna wuxuu yiri "kutaabkii waa laxooray halkaas ayuu iska yaalaa markii ladhaaranayo oo kaliya ayaa laxasuustaa", maaha wax been ah waxan sheegayo waxad ka daawan kartaa video ga aan kuu soo galiyey, kitaabkii ilaahay noo soo dajiyey wayba tureen barnaamijkaas waxan jeclaan lahaa indhahaaga inad kaga bogoto.

http://www.youtube.com/watch?v=f7jHhLWcEeI&feature=youtu.be

Yaanan war kugu daalin barnaamijkaas kadib waxaa TV laga cayriyey 2 wariye ee barnaamijka waday waxay ahaayeen indhaha TV ga universal balse amar kasoo baxay kaligii taliyaha Jabuuti ayaa lagu cayriyey 2 wariye, cayrintooda dhib malaha balse xogta ay soo gudbiyeen aya ka qaalisan wax kasta, dadkuna waa inay wax ku fahmaan maqal ama muuqaal hady intaas aysan wax ku famayn ilaahay indhaha iyo dhagaha ha ufuro, hadii dadku ay dhahaan haa waan daawanay lakin maxaa is badal ah? waxan ku leeyahay nin dalkiisa sidaas ula dhaqmaya nolashiisana ay sidaas tahay makula tahay inuu kujecelyahay naftana kuu hurayo waxna kuu qabanayo?


Intaa kadib waxaa is yiri ka jawaab ninka uqaabilsan ururka PEN ladhaho ama qalinlayda Jabuuti, wuxuu is leeyahay ka jawaab balse daawada ninkaas sida uu ujawaabayo waxad dareemaysaa inaysan dad ahayn dadka aan tabayno, tacliiqyada ama commentiyada ayaaba kaa yaabin doona isaga halkaan ka daawo.


 

 

Waxaa arintii dhex martay Cowke iyo jabuuti sawir ahaan ku muujiyay amin camir.


 


Jabuuti waxaa caadi ka ah Zinada dhamaan dadka Jabuuti arinkaas wax wayn uma arkaan ilaa intii ilaahay unaxariistay maahe, dalka waxaa hareeeyay cudurka dilaaga ah ee HIV - AIDS waxana lagu tirayaa wadanka labaad ee ugu AIDS ka badan geeska afrika markii laga yimaado itoobiya oo lambar one ah, Jabuuti waxaa dabar gooyay AIDS ka iyadoo uu ka reebay asaagood waxana ka dareemi kartaa tiro koobkaan, sanadkii 2003 waxay ahaayeen tiradooda 700,000 hadana tirakookii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 724,622 waad arki kartaa sida ay uyartahay tarankooda, magaalada Jabuuti waxaad ku arkaysaa meherado ay ufuranyihiin hablaha jirkooda ka ganacsada boorar ku qoran af frenciis ayaa kuwada dhagan oo dhamaan ay ku leeyihiin soo dhawoow, waxaa meesha ka maqan wacyi galintii iyo xumaan iska reebkii iyo wanaag is farkii.


Jabuuti ma arkaysid naag madaxu u asturanyahay dhamaan way qaaqaawanyihiin ilaa intii ilaahay unaxariistay maahee, dumarka Jabuutiyaanka badankood waxay udareeraan xeebaha si ay ula soo tuntaan nimanka kiristanka ah ee cadaanka ah ee uyimaada dalka dalxiis iyo dumar, arinkaas maaha mid aan beenin karno kadib markaan aragnay clip kan ka turjumaya nolasha hada ee Jabuuti hoos ka daawo waxadna ku arkaysaa niman jomeykiyaan ah iyo niman afrikaan ah oo isaga yimi dhamaan wadamada sanka waawayn si ay ula baashaalaan habalaha Jabuuti bal ila arag anigoonan jeclayn inaan ku tuso balse inaan proof keenaa waa igu waajib.


Dalku malaha culimo waawayn oo caan ah waxana meesha ka maqan barashada diinta islaamka, waxa hada ka hor dhacday dhacdo layaab leh oo aan usoo joogay:


Habeen ay tariikhdu ahayd 15th August 2011 ayaan waxa kasoo baxay salaadii Taraawiixda waxan shiday TV ga gaar ahaan waxan warka ka daawanayey Tvga Horn Capel TV, waxa warka lagusoo daray war layaab leh oo kusaabsan tartan quraan oo ay qabatay Jabuuti waxaa warku ahaa sidan:

Wadamada kasoo qayb galay tartanka quraanka waxay kala ahaayeen:

1- Jabuuti

2- Yemen

3- Itoobiya

4- Tanzania

5- Somalia

6- Sudan

Tartankii wuu soo gabagaboobay waxaana lagu qaybiyey guriga madaxwayanaha jawaa'iztii, waxa layaabka leh waxay ahayd kaalimihii lakala galay waad ila yaabi doontaan:

30 ka juz waxaa lookala galay sidan:

1- Tanzania

2- Yemen

3- Jibuuti

20 ka juz waxaa lookala galay sidan:

1- Jabuuti

2- Sudan Jabuuti

3- Jabuuti

10ka juz waxaa lookala galay sidan:

1- Itoobiya

2- Yemen

3- Jibuuti

Aaway Soomaaliya? kaalintee ayey gashay? bal ila fiiri meeshaas ma cadaalad ayaa ka muuqata mise bahdil? Soomaaliya waanu ognahay inay caalamka aan quraanka loogu imaan xitaa dhulalkii waxyigu kuso dagay inay ka badiso maanta quraanka waanu ognahay ilaahay inuu hibo usiiyay xifdiga quraanka kariimka ah tartamada caalamka ayan 1 ama 2 gali jirnay




 


 

 


Maxaa keenay in geeska afrika aan waxba ka gali wayno, ilaahay hadii naftan yar iidaayo video gaas waan soo galinayaa waxan utagayaa xafiiska TVgaas waxana kasoo qaadayaa clipkaas waana kadaba keeni doonaa insha allaah, bal fiiri maxay kula tahay musaabaqadaas? waxase ku qoslay garsoorka musabaqadaas iyo cida gudoominaysay inay ahayd wiilka madaxwayanaha.


DHAQAALAHA:


Dhulka Jabuuti waa dhul saxara ah mana laha beero illaa waxyar oo khasab ku dhis ah maahee, dhaqaalaha dalku wuxuu kasoo galaa Dalxiiska, Dekadda, iyo Dawladda faransiiska oo iyagu lacag uqoondeeyay, dekadda Jabuuti waxaa kasoo daga dhamaan badeecadaha usocda dalka itoobiya waana dekadda kaliya oo ay wax kala soo dagaan itoobiyaanku, sidaas darteed waxay ufdudeysay Jabuuti inay dhaqaale yar ka qaado madaama ay walaalo yihiin, Jabuuti waxaa mara dhamaan maraakiibta isaga kala goosha caalamka maraakiibtaas maamulidooda iyo hubintooda hal qof oo Jabuutiyaan ah lug kuma laha waxaa si toos ah umaamula ciidamada faransiiska iyo dawladda frence, waana sababta Jabuuti xornimada loosiiyay loona maamulo, waana sababta ay ciidamo frensiiska ah ujoogaan Jabuuti.


Dalkaas iyo madaxdiisu had iyo jeer waxay isku dayaan inay afduubaan dhaqaalaha soomaalida iyadoo xarun uga dhigay gudiga ganacsatada soomaaliyeed xarunta Jabuuti anagoo og inaysan Jabuuti lahayn ganacsato waawayn, hada waxaa laga wadaa oo ladhisayaa dekeddo waawayn oo ka wayn tan caasimada Jabuuti,


Hadii aad dhex marto maba dhex mari kartide ama lagaaga sheekeeyo magaalada caasimada u ah waxaad is leedahay ma waxad joogtaa 1960 muqdisho dadku waxay unoolyihiin sida dadkii hore magaaladu maquruxbadna dabaqa ugu dheer 9 magaaro iyadoo ognahay kuwo ka dhaadheer soomaaliya inay kuyaaleen wiliba iyadoo burbursanayn 22 sano.


Tacliinta:


Tacliinta dalku waa mid gabi ahaanba ka maqan gudaha wadankaas dadku wax mabartaan, runtiina waxan jeclaan lahaa inaan dadka ugu soo kobo in nolasha Jabuuti gabi ahaanba ay tahay nolol gumaysi dhinacsanka.


Jabuuti dadka kunool 75% wax ma akhiryaan waxna maqoraan dalku wuxuu leeyahay iskuulo yar yar oo mawaaweelo ah kuwaas oo afka lagu bartaa ay tahay afka faransiiska dadka waxa ugu badan oo labara farsamada gacanta si aysan unoqon arday nidaami ah oo iskuulka ka bilaaba 1aad ilaa 12aad kadibna jaamacad uhuleelaa kadibna jamici unoqdaa intaas ayan la ogolayn dadka waxa loo leexiyay kalkaalisnimo, harqaan iyo alwaaxda sida loo sameeyo iyo waxyaalo kale sida korontada loo hagaajiyo bas, dhamaan dalalka caalamku waxay ufureen jaamacadahooda si ay uqaabilaan ardayda kasoo baxda secondary yada balse arintaas uma suurta gasho inay ka faa'iidaystaan ardayda Jabuuti waxaa koow ka ah oo an kaxusi karaa wadamada sida free ga ah usoo dhaweeya dalka sacuudigu wuxuu free uga dhigay jaamacadaha sacuudiga kuwo ugu qaalisan sida umul-quraa, jaamacada madiina, jaamacadda malik fahad, iyo kuwo kale ee lagu barto shareecada iyo culuumta kale, dhamaan wuxuu soo dhaweeyaa ardayda kasoo baxda dugsiyada sare iyo macaahida balse arintaas lagama faa'iidaysto ilaa 04% maahee.


Jabuuti malaha jaamacado waawayn oo aan ka ahayn jaamacada dalka oo iayda dhismaheeda maalin dhaw madaxwaynuhu dhagax dhigayey, sidoo kale waxa kuyaal machad shareecada lagu barto oo aan sidaas ubuurnayn dadkuna aysan muhiimada siin, waxaa gabi ahaamba meesha ka maqan barashada tacliinta diiniga ah ama barashada shareecada islaamka oo laga doorbiday qaad iyo khamri, kitaabkii quraanka hadii latuuray ma shareeco ayaa labaranayaa?


Arday Jabuutiyan ah kuma arkaysid jaamacadaha ay soomaalidu ubadan tahay sida dalalka India, Maleysia, Uganda, Kenya, Sudan, Pakistan, china, eygpt, ukrain, Saudi arebia, yemen iwm.


Waxay aadaan waa hadiiba ay dhacdo frence oo iyadana aan loo ogalayn tacliinta sare, waxay ka doorbideen inay heesaha iyo fanka bartaan.


GUNTII IYO GABA GABADII


Jabuuti dariiqaan ay hada kusocoto waa midkii ay ku burburi lahayd waana midkii soo maray wadamo badan oo maanta ka qoomameeya inay Taariikhdu soo noqoto si ay usaxaan wixiikhaldamay, Jabuuti totaly marabto inay dhisanto dawlad Soomaaliyeed oo awood leh waayo waxa imaanaya xisaabtan, Jabuuti hada waxay isku haysataa inay Soomaaliya ka sarayso balse hada magalayno muqaarano ama is barbardhig balse isku haysashadaas warbaa ka dambayn.


Waxaa jirtay sanadkii lasoo dhaafay in soomaaliya oo dhan ay kuhabsatay abaar tii ugu darnayd caalamka, sidad wada ogtihiin soomaaliduna qaylo ayey afka kushubatay si loogu soo gar gaaro, waxad wada ogtihiin in dalalka ugu deeqda badnaa ee noola soo dheerayay ay yihiin Turki, Iran, Kuwait, Qadar, iyo wadamo kale, iyadoo abaartaas ay jirtay oo dadkii xanuunkeeda kabatay Soomaaliduna ay indhaha kutaagayeen Eraboorka, yaa kasoo dagi doona? muxuu noo wadaa? ayaa waxaa soo dagay madaxwaynaha Jabuuti, muxuu waday? Sawirka ayaa noo cadeynaya, kadib sawirkii amin camir jabuuti intay isku yax yaxday ayey wax yar soo dhiibtay kadib markii uu noqday ninka meesha kusawiran, ujeedadu naxariis maahayn ee waxay ahayd shacabkii ayaa nafahmaye aan iska aamusino.



Dadnimada:

Xaqiiqdii shacabka soomaaliyeed waa dad aad iyo aad uwanaagsan oo dabeecad fiican ha is daagaalaan hana is xasuuqaan waa dad is raali galiya dibna dhaawaca udaawaysta, waa dad dadnimo leh oo akhiiran isku soo noqda waa dad jecel wanaaga isku naxariista cuqdad badan maqaadaan waxkasta oo dhexmara mudo yar ayey ku ilaawaan, way dagaalamaan wayna heshiiyaan markii aad fiiriso soomaalidu waa dad kasoo jeeda isir wanaagsan iyo dun wanaagsan, hadii aad dhibantahay way kaa naxayaan waxay awoodaana way kula qabanayaan, hadii aad dhiban tahay ama aad safar tahay way kusoo dhaweynayaan soo dhaweynta, deeqsinimada, iyo sharafta waxay kala wadaagaan dhaqamadii quraysh iyo asxaabtii rasuulka salalaahu calayhi wassalam, isirka soomaaliyeed waa kan sida aad aragtaan loo xumeeyay oo maanta ilaaway waxay ugaysteen dalalka dariska iyo reer galbeedku, Jabuuti gudaheeda kuma arkaysid soomaali kunool ama ganacsi ka furanaya magali kartid gudaha dalkaas hadii aad gashana waa lagu arkayaa kuma dhex noolaankartid sidaa darteed waxaa meesha ka baxday is dhex galkii soomaali iyo Jabuuti ma arkaysid qof Somali ah oo xidid la ah Jabuutiyaan mana arkaysid qof ay reer abti uyihiin isguursigu haduu meesha ka baxo isirnimadiina meesha way ka baxaysaa, dadnimadu waa waxa la isku dhaafay dadnimada soomaaliyeed waa mid aan laheli karin waana tan aan loo ogalayn inay isku timaado, lakin waxa muuqata Jabuuti inay kasii baxayso ama ka xuubsiibanayso dadnimadii ay Soomaali lahayd ilaa aan iri "Jabuuti way ka baxday isirka soomaaliyeed".


Dhamaad.

W/D/Q: Hassan Jirde Hassan (Xassan Xaqiiqdii)

E-mail: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it H

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy