AMISOM oo Muqdisho lagu qarxiyay iyo Dagaal Balcad ka dhacay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netQarax xoogan ayaa maanta gelinkii dambe magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada shisheeye ee kusoo duulay dalka muslimka Soomaaliya.

Caawa Maqribkii ayuu qarax xoogan qabsaday gaari nuuca Beebaha loo yaqaan oo ay wateen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda qof ku sugan xaafadda SOS ee degmada Huriwaa ayaa SomaliMeMo u sheegay in ay maqleen jugta qarax weyn kadibna ay arkeen dab kakacaya gaariga AMISOM.

Inkasta oo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ciidanka AMISOM gaaray balse waxaa goobta soo gaaray gaadiid Ambalaas dhanka caafimaadka ay ku adeegsadaan ciidanka shisheeya oo dhanka Warshadda Baastada kasoo baxay.

Maleeshiyaad ka tirsan DKMG ah oo Balcad ku dagaalamay.

Khasara xoogan ayaa ka dhashay dagaal maanta gudaha degmada Balcad ku dhaxmaray labada maleeshiyo oo gacan saar laleh DKMG ah basle qaab beeleed isku qoobay, dagaalka ayaa ka dhacay xaafad ku dhaw saldhigga booliska degmada Balcad.

Ugu yaraan 4 katirsan maleeshiyaadkii dagaalamay ayaa ku dhintey dagaalkii maanta Balcad ka dhacay maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku adeegsaday gaadiidka dagaalka iyo rasaasta boobayaasha ah.

Xiisad qaab beeleed ah ayaa caawa ka taagan Balcad oo u eg magaalo haawanaysa maadaama shacabkii ku noolaay intooda badan dibadda uga bexeen magaalada ciidanka DKMG ah ayaa caan ku ah in ay qaab beeleed isku qabtaan ayna dhacaan hantida shacabka.

Adde Hassen SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy