Saraakiil Kenyaan ah Oo lagu dilay Weerar Ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Faah Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo maanta ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida ee dowladda Kenya xoogga ku maamusho.
Saraakiisha dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in weerar dhabagal ah oo ka dhacay meel 40 KM ujirta magaalada Mandheera lagu weeraray gaadiid ay lasocdeen saraakiil katirsan ciidanka Booliska wadanka Kenya xilli ay doonayeen in ay kala bedelaan ciidanka gobolkaasi.
Wargeysyada Kenya kasoo baxa ayaa soo daabacay in rag aad u hubeysan ay goob buundda ah ku weerareen gaari ay lasocdeen saraakiisha Booliska ugu yaraan waxaa dhintay Askari Booliska katirsan nin sarkaal ahna dhaawac culus ayaa soo gaaray.
Xoogaga hubaysan ayaa muddo saacado ah gaaf wareegayay deegaanka Al-carrabiya oo 40 KM ujirta degmada Mandheera oo kamid ah meelaha ugu amaanka daran dhulka Kenya gumeysato.
Amaanka Kenya ayaa faraha kasii baxayay wixii ka dambeeyay 16,October,2011 kolokaasi oo ay Kenya ciidankeeda kusoo duuleen dalka Somaaliya waxaana gudaha waddankaasi ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo lala eegto saraakiisha amaanka dowladda.
SomaliMeMo
Kismaayo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


