Weerar Naf Hurnimo Oo Goordhaw ka dhacay Magaalada Caden.
Qarax xoogan ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Caden ee wadanka Yemen ahna magaalada ganacsi ee ugu weyn wadankaasi Yemen.
Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Istish-haadi (Naftiis hure) uu isku qarxiyay goob uu ku sugnaay Korneyl Cabdalla Almowzaawi oo ahaay sarkaal katirsan ciidanka Argagaxisada ladirirka Yemen (Ashahaadda ladirir).
Warbaahinta Yemen waxay xaqiijiyeen in Korneyl Mowzaawi uu dhintay waxaa kale oo ladhintay ilaaladiisa iyo saraakiil kale oo ay isku goob ku sugnaayeen Ninka labeegsaday.
Xoogaga Ansaaru shareecah ayaa loo malaynayaa in ay fuliyeen weerarkan istish-haadiga ah waxayna horay isla magaaladan Caden ugu dileen General saalim Cali Qudni taliyihii ugu sareeyay ee dowladda Yemen u qaabilsanaay Mandiqadda Koonfureed ahaana wakiilka ladagaalanka Mujaahidiinta Mareykanka ee Yemen.


