Qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Written by Maamul on .

Qaraxyo xoogan oo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhawac u geystay maleeshiyo ka tirsan DKMG ayaa habeenkii xalay ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Qarax aan la ogayn waxa loo adeegsaday ayaa laga maqlay xaafada Buula Xuubey Degmada Wadajir, Sidoo kale qarax kale ayaa laga maqlay Xaafad ka tirsan degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Xaafada Buula Xuubey qaraxa ka dhacay waxaa lagu weeraray Maleeshiyo ka tirsan DKMG, iyadoo goob ay ku marqaamayeen lagu tuuray Bam Nooca gacanta laga tuuro, waxaana khasaare culus ka soo gaartay Maleeshiyaadkii lagu tuuray.

Sidoo kale qarax kale oo ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada C/casiis lagu weeraray Maleeshiyaad ku sugnaa degmadaasi.

Qaraxyadaasi xalay ka kala dhacay Magaalada Muqdisho waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ilaa 4 ka tirsnaa Maleeshiyada DKMG tiro kalena dhaawacyo halis ah soo gaaray.

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa Magaalada Muqdisho joogto ka noqday qaraxyada iyo weerarada xiliga habeenkii ka dhacayay qeybo ka tirsan Caasimada Magaalada Muqdisho oo xoogaga Mujaahidiinta Alshabaab ay xiliga habeenkii ah howlgalada fuliyaan.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy