Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen maleeshiyo ka tirsan DKMG oo qarax lagula eegtay Degmada Huriwaa.

Written by Maamul on .

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in galbtay qarax lagu weeraray maleeshiyo ka tirsan DKMG oo marayay meel wado ah kuwaasoo lagula beegsaday miino nooca Meelaha fog laga hago Xaafad ka tirsan Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku suganaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa miino dhulka la galiyey kaasoo lala bartilmaameedsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha oo ay wateen maleeshiyada DKMG, Waxaana qaraxaasi ku dhintay 4 ka tirsanaa Maleeshiyaadkii saarnaa tiro kalena waxaa soo gaaray Dhaawacyo.

Wararka waxay intaasi sii raacinayaan in gaariga waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi oo lugaha iyo Muraayadaha ay ka burbureen, halkaasina gaari kale ka jiiday.

Maleeshiyada DKMG Qaraxa kadib waxay fureen rasaas culus hase heeshee ma jirto cid rayidka ka mid ah oo wax ku noqotay rasaasta ay fureen Maleeshiyaadkaasi.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy