Faah Faahin ka soo baxeysa dagaal xalay Deyniile ka dhacay.
Dagaalka oo ku bilowday dhawaaqa hubka culus iyo midka fudud waxa uu fiidkii hore ee xalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Deyniile iyadoona dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab weerar xoogan oo dhoor jiha ah ay ku qaadeen fariisimo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin gudaha degmada Deyniile.
Goobaha sida gaarka ah uu dagaalka kaga dhacay waxaa kamid ah agagaarka isbitaalka Deyniile waxaana dagaalku soconayay in ka badan saacad iyadoona dhawaaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo kamid ah gudaha iyo duleedka wilaayada Banaadir.
Wararka laga helaya dhanka degmada Dayniile ayaa sheegaya in dagaalka xalay kadib markii mudo uu socday in ciidamada kufaarta afrikaanta bilaabeen iney madaafiic ku garaacaan qeybo badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah duleedka Muqdisho, iyadoona tilaabadaasi looga bartay ciidamada shisheeye marka ay soo wajahda qasaara nafeed iyo mid hantiyadeed islamarkaana culeys xoogan kala kulmaan dhanka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.


