Shariif Oo sheegay in Uu Guwantamo Gelayo, Banaankana soo dhigay Xumaanta Shirkii London ee Gumeysiga lagu Gelinayay Somaaliya (Faallo+Codka Shariif).

Written by Maamul on .

somalimemo.netMadaxa DKMG ah Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa sheegay xabsi in ay diyaar u yihiin haddii lagu soo cadeeyo lacagaha ay ka lunsadeen gaalada taageerta Kooxda Ridada Soomaliya.

U diyaar garowba xabsiga wuxuu jawaab u ahaa warbixin ka soo baxday guddi dabagal oo hoos taga gaalada QM, warbixintu waxey taabatay arrin xassaasi ah waxeyna ka digtay cawaaqib xumida laga dhaxli doono.

Sharif-yada kala ah Sharif Sheekh Axmed iyo Sharif Dhaaquut oo lagu daray R/Wasaare Gaas  oo ay dheer yihiin 2 nin oo xilka R/Wasaaraha kaga sii horeysay Inan Gaas ayay sheegeysaa warbixintu in ay xadeen lacago loo qoondeeyay ku bixinta mashaariicda maamulka DKMG ah.

Kulli waa la wada inkiray..laakin kooxda dabagalka waxey ku goodineysaa caddeymo ay ka heyso eedeysanayaasha gaala raacyada ah.

Warbixinta Oo dhameystiran Halkan Ka dhagayso

Mathwe Bryden

Sharif Sh Axmed ayay si adag u taabatay arrintu..isaguna afka ayuu furtay; shir uu ka hadlay shalay oo dad isugu yimid la sheegayo in ay soo dhaweynayeen isu-soo taaggiisa doorashooyinka la sheeg sheegayo ayuu jawaab kaga bixiyay burcadnimada lagu soo eedeeyay, wuxuuna u cataabay sida addoon sayidkiisa xisaab celin u gudbinaya..balse qalad bey ku aheyd inoo public kaga hadlo sheekooyin hore u dhexmaray isaga iyo madaxdiisii .

Saxafi Jibriil:
Markaas maxey madaxdiinu idin kugu jawaabeen?.

Shariif Sheekh Axmed:Yacnee Boroseyskii loo baahnaay kulli waa saaranyihiin maxaa nagula leeyahay anaga meeshaas ayaad Culad ka qabtiin Hagaajiya hadda kahor waxaan kala hadalnay Kabaasatiga wasaaradda maaliyadda iyo Hay'adaha Kale ee laxariira noo dhisa Dhageyso Jawaabta Shariif

Saxafi Jibriil:Maxey idin kuugu sheegeene inuu yahay ururka magacaan leh iyo shaqada uu qabanayo?.

Shariif Sheekh Axmed:waxay noogu jawaabeen waxaa lasameynayaa Joint Financial Management Board JFMB Dhageyso Codka Shariif .

Saxafi Jibriil: Ma sidaa bey madaxdiinu xal u arkeen?

Shariif Sheekh Axmed:waxay dhaheen waxaa waaye dhaqaalaha dekadda kasoo baxa iyo midka garoonka kasoo baxa guddi caalami ah oo wadajir ah ayaa maamulaya Dhageyso Dhaqaalaha Dekadda Shariif

Ma sidaa bey madaxdiinu xal u arkeen?:waxay dheheen sidaasi ayay wax idinkugu hagaagi karaan waxaan dhahnay maxaa dan ah oo inaga noogu jira hay'adihii manoo dhisaysiin lacgta Bilyaniska ah ee somaaliga lagu bixiyo halkaan masoo mareysaa waxay dhaheen maya maya ee tiinna ayaa lagu bilaabayaa.. dhaqaalahaaga haddii laguugu maamulayo maxaad qaban kartaa.. Dhagayso Shariif.

Waa yahee dal dhan iyo Malaayiin Muslimiin ah masirkeedu ma lagu aamin karaa qowleysato gaalo ah sida Burundi iyo Uganda, Ethiopian iyo Kenya? isweydiintaas ayaa ka habooneyd Shariif Shariif inuu is weydiiyo ka hor inta aanu isweydiin dhaqaalaha dalka ma loo dhiibi karaa?

Laakin dhaqanka dabadhilifyada ayaa ahaa intiiba ay taariikhdu jirtay marka wareeggu iyaga ku yimaado in ay danta Umadda iyo maslaxada dalka maciin bidaan..Gaddaafigii Libya ayaa Jihaad ku dhawaaqay maalinkii Kursigiisa dhinacyada laga qabtay si dadka looga hor wareejiyo! Al-haashimiga Ciraq ayaa ku cataabay Mareykanku inuu dan u aheyn Ciraaqiyiinta , duulaankana dano gaar laga lahaa, Hashimi wuxu hadalkani sheegayaa waqti Taankiyada Shiicada ay kulaalayaan gurigiisa..loona heysto halku dhigga "Khiyaano qaran".

Waa dhaqan dabadhilifyadu leeyihiin marka ay sii dhimanayaan hadalada nuucaas ah in ay ku hadaaqaan.
Sharif Shariif wuxuu isu muuqday, gaaladana ula muuqday nin dhabar jabin kara saxwada Jihaadiga oo sharciyaddana ka qaadi kara markii gigada diyaaradaha Muqdisho laga soo dajiyay iyadoo gaaladu ay galbineyso, sheeganaya dagaalka in la joojiyo oo dhinac laga raaco gaalada hadda uu ka cabaadayo.
Halkan ka Dhagayso Shariif oo dhahaya Kuwan waa Daneystayaal
Inkastoo imaanshiyihiisa madaxtinimada Kooxda Ridada uu ka duwanaa hogaamiye kooxeedyadii kaga horeeyay xilkaas, hadane sidii ay u bixi jireen ayay muuqataa inuu ku sii baxayo...Kursiga gaalnimo ee aqalka Villa Soomaaliya qof ka sii kacaya oo mahad celinayana ayaan la arag, mid cusub oo ku fariisanaya oo Shariifdiintu isku raacsan tahayna lama arag.

Laakin Shariif eeddan loo heysto haddii lagu helo wuxuu madaxdiisa ka dalbaday ciqaabta ay la noqon laheyd in la mariyo, xabsi ayuu dalbaday; ma laha Wadaadka Riddoobay wali waxaa ku qafilan cabsidii uu ka qabi jira Xabsiyada gaalada waagii uu Muslimka ahaa?.

Shariif oo Guwantanama isku diyaarinaya ayaa dhahaya:Ciddii ay Xoola ku maqnaadaan Guwantanaama halageeyo ixsaan yaan loo sameyn laakin meel cidla ah yaan noogala imaanin, boqol Dollar haddii nagula helo Xilkan waan ka tagaynaa Guwantamana waan isku diyaarinaynaa  Halkan ka dhagayso Codkiisa

Balse dad baa yiri Shariifow Guantanamo  Muslimiinta sharafta leh ee diintooda loo heysto  ayaa lagu xiraa..laakin adiga sida Charles Taylor-kii Liberia iyo Radovan Karidich-kii Serbia waxaa xabsigaagu uu noqon doonaa Maxkamadda Hague..hooyga dabadhilifyada gaalada ee howlgabaka noqda.

FG: Wareysi Ma ahan ee Warbixin ay Idaacadda Andalus ka diyaarisay Isdifaaciddii Shariif iyo Eedaynta Q.Midoobe ee Lunsiga Hantiyadeed.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy