Mas'uul katirsan DKMG ah oo Muqdisho lagu dilay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netXoogag hubaysan ayaa galabta magaalada Muqdisho ku khaarijiyay sarkaal katirsanaay wasaaradda maaliyadda DKMG ah ee shisheeyaha kusoo hogaamisay cadawga.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in galabta degmada Huriwaan lagu dilay Max'med Cali Xuseen oo ahaay Agaasime Ku xigeenka wasaaradda maaliyadda DKMG ah.

Sarkaal katirsan DKMG ah ayaa caawa warbaahinta Muqdisho ka sheegay in ladilay mas'uul katirsanaay wasaaradda maaliyadda xilli uu doonayay in uu si qarsoodi ah ku dego guri kuyaalla Suuqa Xoolaha.

Sida muuqata xoogaga weerarkan geystay waxay la socdeen dhaq dhaqaaqa sarkaalkan illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse dagaal culus ayaa u dhexeeya DKMG ah iyo shisheeyaheeda oo isku dhinac ah iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dilalka iyo qaraxyada ayaa joogta ka naqday magaalada Muqdisho taasi oo ka dhigan in ciidamada mujaahidiinta ay si xoriyad leh uga howlgelayaan magaalada

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy