Maktabka garsoorka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ku dhawaaqay in barri ay tahay maalin ramadaan…
Iyadoo caawa oo dhan lagu guda jiray xaqiijinta bisha barakeysan ee ramadaan ayaa war goor dhaw kasoo baxay XMSh gaar ahaan maktabka garsoorka waxa uu ku dhawaaqay in barri oo Jimce ah ay tahay maalin ramadaan..
Maktabka garsoorka waxa uu warkiisa oo caawa uu soo saaray ku dhawaaqay in barrio o jimce ah wilaayaadka oo dhan laga soomi doono insha Allah..
5 tii sano ee la soo dhaafay maktabka Garsoorka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa ummada Muslimiinta u xaqiijinayay maalmaha weyn ee ramadaanka iyo ciidaha taasoo meesha ka saartay kala aragti duwanaansho ay ku jireen dadka Somaliyeed
Ummada Muslimiinta Caalamka ayaa u dabaal dageysa farxadda bishaan weyn ee ramadaan oo muslimiinta qiimo weyn ugu fadhisa waxaana shabakada SomaliMeo ay kala qeyb qaadaneysaa Muslimiinta bishaan barakeysan.
Allah hanaga dhigo kuwii ka faa’ideysta kheyradka ka buuxa bishaan barakeysan waana bishii cibaadada, kheyrka, futuuxaadka, waana bisha ay ku jirto habeenka leylatul Qadri ee ka fadliga kunka bilood...


