Jamaacada "Ansaar Baytul Maqdis" oo sheegatay Mas'uuliyadda weerarradii lagu carqaladeeyey Dhuumaha Shidaalka ee Masar iyo Israa'il (SAWIRO + DAAWO)
Jamacaacada Ansaaru Beytul Maqdis ayaa sheegatay Mas'uuliyadda Weerarro Qaraxyo ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay lala beegsanayay dhuumaha Shidaalka ee ku yaalla Waqooyiga dalka Masar, kuwaasi oo xariirsan illaa dhulka Yuhuudda xoogga ku heysato.
Filim Muuqaal ah oo soconeysa muddo 30 daqiiqo ah oo barta Internetka lagu faafiyay ayaa waxaa kasoo muuqanaya Koox ka tirsan dagaalyahannada Jamaacadaasi Islaamiga ah, kuwaasi oo Walxo Qarxa ku rakibaya mid ka mid ah dhuumaha Shidaalka ee ku yaalla Waqooyiga dalka Masar.

Hogaamiye ka tirsan Jamaacada Islaamiga ah ee Ansaaru Beytul Maqdis oo Filimka kasoo muuqday ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Masar ay ka mid tahay Cadowga Islaamka, maadaama Shidaal raqiis ah ay ka iibiso Yuhuudda dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta, wuxuuna tilmaamay inay beegsadaan oo kaliya dhuumaha ay maamusha Dowladda Masar ee Gaaska dabiiciga ah loogu sii mariyo Yuhuudda, balse aysan beegsan dhuumaha danta guud ee dadka dadka Muslimiinta ah ay ku intifaacaan.
Halkaan ka Daawo Filimka Xiisaha Badan

|
|



|
|

|
|

|
|

|
|

|
|




