Shirka Ansixinta Dastuurka gaalada oo si toos ah Muqdisho uga furmay.
Waxaa si toos ah hadda uga furmay Magaalada Muqdisho shirka Ansxinta Dastuurka gaalada oo waqtiyadii dambe ay hareeyeen khilaafaad sababay in marar badan dib u dhaco.
Wariyaha SomaliMeMo Xarunta Muqdisho oo maanta isha ku haya waxa ka soconaya Xarunta Shirka Muqdisho ayaa soo sheegay in hadda si toos ah uu u furmay shirka Ansixinta Dastuurka Gaalada oo ka hor’imaanaya Diinta Islaamka.
Sida Wariyuhu ku soo waramayo waxaa halkaasi ku sugan oo gaaray Madaxda DKMG oo qudbado furtaan ah ka jeediyey, iyadoona halkaasi ay sidoo kale gaareen dhammaan madaxda ka socota Gaalada u ololeynaysa Dastuurka uuna ugu horeeyo Mahiga oo asagu khudbad ka jeediyey Shirka.
Waxaa sidoo kale Wariyaha SomaliMeMo Xarunta Muqdisho uu soo sheegayaa in guud ahaan amaanka la adkeeyey, lana xiray wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Madasha Shirka uu ka furmay oo ah Dugsiga Tababarka Akadeemiyada Janaraal Kaahiye Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan furmay maanta waxaa ka hadlay Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir Sheekh Maxamad Xasan Cumar Abuu C/raxmaan Waraysi uu siiyey Idaacada Islaamiga ah ee Al-Andalus ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ku sugan iyo Ergada Ansixinta marna aan la Cafin doonin lalana xisaabtami doono Adduun iyo Aakhiro maadaama ay gateen Diinta iyo Dalka Soomaaliya, gaaladana Dastuurka ay soo dhoob-dhoobteen u meelmarinaya.
Wixii kusoo kordhaa kala soco SomaliMeMo Insha Allaah.


