DHAGEYSO: Muxaadaradii "AlQawlul Ameen Fii Saddi Al Cudwanil MuBiin" Qaybteedii Sadexaad.
Waxaa goor dhoweyd soo gabagabowday Qaybtii Sadexaad Muxaadaradii "AlQawlul Ameen Fii Saddi Al Cudwanil MuBiin" ee uu soo jeediyey Sheekh Xassaan Xuseen Aadam.
Muxaadaradaan oo uu Shiikhu bilaabay maalintii Khamiista ayuu Shiikhu uga hadlayaa arrimo muhiim ah oo khuseeya dacaayado ay maalmahan sheekha iyo mujaahidiinta ka faafinayeen Culimaa'udiin taabacsan Ictisaam.
Maanta ayuu Shiikhu Muxaadaradiisa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo si toos ah u taabanaysay Sheikh Xassaan iyo reer Daarul Xadiith Allaah dhammaantood ha barakeeyee.
Sidoo kale waxa uu Sheikh Xassaan soo bandhigay khaladaad aad u fara badan kuwaas oo iskugu jiray kuwa Cilmi ah iyo sidoo kale kuwa xiriir la leh kulama gaar ahaa oo dhexmaray Sheikh Xassaan iyo qaar ka mid ah Culimada Ictisaamka oo uu Sheikh Umal ugu horeeyo kulamadaas oo uu Sheikh Umal si khaldan usoo bandhigay.
Waxa uu Sheikh Xassaan Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey Qaabkii ay u aasaasantay Maktabadda Daarul Xadiith iyo heerarka kala duwan ay soo martay Maktabaddu iyo halka ay maanta marayso, sidoo kale waxa uu Shiikhu Faah-faahiyey kulan uu ku Tilmaamay Shirqool oo ay Qaar ka mid ah Culumada Ictisaamku ugu dhigeen Guriga Shible , Shirkaas oo uu Sheikh Umal u dhigay si ka duwan sidii ay wax u dhaceeen.
Muxaadaradaan oo laga dhagaysanayey Daafaha aduunka ayey Qurba Joogta Soomaalida ahi waxa ay kala socdeen Aaladda Paltalk-ka Qolka Somali Islamic Dacwatu Tawxiid Center.
Halkaan Ka Dhageyso Muxaadarada Sadexaad
Halkaan Ka Dhageyso Muxaadarada Labaad
Halkaan ka Dhageyso Muxaadaradii Koowaad


