Mujaahidiinta Jubbooyinka oo mar kale xalay gudaha u galay Afmadow.
Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa xalay mar kale gudaha degmada Afmadow ku galay dagaal xoog leh oo ay ku qaadeen fariisimayaasha cadowga ee degmadaasi.
Saraakiisha Jubbooyinka ayaa sheegay in ka dib dagaal culus ay Mujaahidiintu gudaha u galeen magaalada Afmadow, halka sidii caadadooda aheyd maleeshiyaadkii DKMG ah ay isaga carareen magaalada iyagoona isku shubay duleedka degmada.
Ilaa saaka ma cadda khasaaraha cadowga ku soo gaaray dagaalkaas, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in marki ay ka carareen fariisimayaashooda ay Mujaahidiinta gaareen saldhigyada cadowga halkaasna ay ka soo qaniimeysteen agabyo kala duwan.
In muddo ah ayaa degmada Afmadow waxey bartilmaameed u aheyd weerarada Mujaahidiinta iyadoona marar badan lagu dilay askar kala duwan, waxaana ciidamada Kenyaatigu ay difaacyo adag ku leeyihiin duleedka degmada Afmadow.


