Maamulka DKMG Degmada Huriwaa oo qiray in Maleeshiyaadka Dowladdu ay kufsi kala kacaan Gabdhaha iyo Xaasaska la qabo
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Maamulka DKMG Cumar Jacfaan ayaa qiray in Maleeshiyaadka ka amar qaata ay Kufsi iyo boob ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku nool Xaafadaha Degmada Huriwaa.
Cumar Jacfaan ayaa ugu horayn sheegay in maleeshiyaadkiisu ay maalintii shalay Degmadaasi ku dileen Gabar ka mid ah dadka deegaanka, kuna hayaan Maleeshiyaadku Boob iyo Kufsi Gabdhaha iyo Xaasaska la qabo.
Maleeshiyaadka DKMG oo wata dhaqankooda Mooryaanimo ayaa boobaya Dadka rayidka ah, Haweenkana kufsanaya, mana jirto wax ay ka qabtaan Madaxda DKMG, hase yeeshee waxaa si aan xishood lahayn falalkaasi guracan u qiray Guddoomiyaha Degmadaasi.
Ma aha markii ugu horaysay Degmada Huriwaa Haween lagu dhaco, lagu kufsado laguna dhibaateeyo dadka kale ee shacabka ah gaar ahaan Ganacsatada Degmadaasi, waxayna dhibaatooyin noocaan oo kale ah horay ugala kulmeen Maleeshiyadkaasi.
Dadka shacabka ah ee dagan Degmada Huriwaa ayaa sheegay markii degmadaasi ay soo gaareen Maleeshiyaadka Cumar Jafcaan ay Boobeen Ciidamada oo ah maleeshiyaadkii Qabaa’isha oo xiligii Hogaamiye kooxeedkii deegaanadaasi ku sugnaa.
Madaxda DKMG oo Mooryaantaasi Askareeyey ayaa inta badan Idaacadaha ka sheega inay wax ka qaban doonaan Maleeshiyaadka dadka rayidka ah u geysta dilalka, Dhaca, Kufsiga iyo waxyaabo kale oo fara badan oo ay la kulmaan Dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.


