Maxamad Xasan “In la Qarxiyo kuwa Masoomayaasha ah way fiicnayd haddana Ansixiyey Dastuurka Mahiga…”.
Xili maalintii shalay Weerar Ishtihaadi ah lagu qaaday Xaruntii lagu ansiyey Dastuurka Mahiga ayaa waxaa soo dhaweeyey Dadka shacabka ah ee ku nool Caasimada Magaalada Muqdisho.
Ergada lagu xareeyey Iskool Bolisiya ee saxiixay Dastuurka Mahiga oo u badan Qurba joog masoomayaal ah ayay sheegeen shacabka Muqdisho inay jiraan Qodobo fara badan oo diinta ka horjeeda oo ay fududeeyeen iyagoo Ansixiyey, waxayna sheegeen inay soo dhawaynayaan weerarka Ishtihaadiga ah ee lagu qaaday xaruntaasi xili qaban qaabada ansixina ay ku howlanaayeen guddigaasi.
“In la Qarxiyo kuwa Masoomayaasha ah way fiicnayd haddana Ansixiyey Dastuurka Mahiga…” ayuu yiri Maxamad Xasan oo ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo si kulul u weeraray Ergada Ansixiyey Dastuurka Mahiga.
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho waxay sheegeen in Ergooyinka ay Diintooda, Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed ay ku gateen lacago ay ka heleen Mahiga, ayna khiyaameeyeen Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
“Dastuurka Mahiga waa mid gaalnimo ah, ma aqblayno in diinteena Sharafta badan la carqaladeeyo oo nala dhinac marsho” Ereyada iyo kuwo kale ayaa ka mid ah diidmada Shacabka Magaalada Muqdisho ay ka muujiyeen Ansixinta Dastuurka Mahiga.
Maalintii shalay ayaa si indha la’aan ah Magaalada Muqdisho looga ansixiyey Dastuurka Mahiga ee Gaaleedka ah, iyadoo waraysi SomaliMeMo ay la yeelatay mid ka mid ah Ergada ansixinta uu sheegay ujeedada Dastuurkan laga leeyahay ay tahay sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa dal kala qeybsan oo diinta Nasaarada ku baahi karto


