Aqoonyahan Gaashaan Guuleed “Bashir Salaad iyo Baaruud Taariikhda Baal Madow Ayey Ka Galeen waxayna doonayaan in ay Islaam Cusub noo sameeyaan" (DHAGEYSO)

Written by Maamul on .

MUQDISHO:- Aqooyahan Gaashaan Guuleed, oo Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan la hadlayey ayaa sheegay in Odayaasha Dastuur gaaleedka Ansixiyey, Bashir Salaad iyo Nuur Baaruud Gurxan ku sheegay in ay Taariikhda ka galeen baal madow. Aqoonyahan Gaashaan ayaa yiri, horta Dastuur inta aanan kahadlin Soomaaliya xor in ay tahay iyo in kale aan isweydiinyo.

 

Aqoonyahanku wuxuu dood dheer ka dhaliyey in aan Soomaaliya xor ahayn isla markaana ay ku jirto gacmo shisheeye, wuxuu xusay in Ciidamada shisheeye ee Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi, Faransiis, Jabuuti, Maraykan iyo wadamo kale ay xoog ku haystaan qaybo kamida Soomaaliya.


Aqoonyahanku wuxuu weerar ku gaaciyey Bashiir Salaad iyo Wadaaddadii soo saari jiray Bayaanadii lagu gaalaysiin jiray xukuumadii Asha-haado ladirir ahayd ee C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi, wuxuuna yiri, Aqoonyahan Gaashaan “Waxay ku leeyihiin Wadaaddada Dastuurka horboodaya qodob habel hala toosiyo, war maxaa la toosiyaa wadanka oo dhan ayaa la haystaaye!”.


DHAGAYSO MP3 Halkaan Riix Ama Guji


Isha Waraysiga Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan, Waraysiga waxaa qaaday, Saxafi C/fitaax Maxamed Qaasim C/fitaax Filibiin.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy