Gaari Taaw ah oo AMISOM Looga Gubay Muqdisho.

Written by Maamul on .

somalimemo.netKhasaara xoogan ayaa ka dhashay qarax xoogan oo maanta Muqdisho lagula eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamada shisheeye ee Somaaliya kusoo duulay.

Maanta Duhurkii ayay miino lakacday gaari nuuca qafilan ah oo ay isticmaalaan ciidamada shisheeye gaar ahaan ciidamada Uganda oo qeyb ka ah kuwa duulaanka ku ah Somaaliya.

Goob joogayaal ku sugan xaafadda Generaal Daa’uud ee muqdisho ayaa xaqiijiyay in ay indhahooda ku arkeen gaari Taaw ah oo gubayana iyo ciidan isku dayaya  in ay badbaadiyaan saaxibadood oo gaariga Taawga ah ku dhax gubanayay.

Ciidamada shisheeye waxay ku fashilmeen in ay damiyaan gaariga gubtay waxayna ku qasbanaadeen in ay goobta uga atagaan, boqolaal katirsan shacab ah ayaa goobta gaariga lagu gubay isugusoo baxay waxayna muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin halaagga gaaray cadawga.

Guutada qaraxyada XSHM ayaa howlgaladeeda u adeegsanaysa walxaha qarxa oo casri ah kuwaasi oo basbeelinaya gaadiidka ay ku faanaan cadawga shisheeye ee Muqdisho qabsaday.

SomaliMeMo
News Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy