Mahiga oo Digniin Culus Udiray Labada Shariif iyo Gaas.
Waa dhabar jab kale oo ku habsaday madaxda DKMG ah ee sii liicaysa hore ayaa loogu heystay lacago ay xadeen iyo hanti ay lunsadeen, saacado ka dib markii lameel mariyay dastuur gaaleedkiina waxaa loo jeediyay digniin kale.
Augustine Mahiga oo ah wakilka QM u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah masuulka gaalka ah ee sida tooska ah uu maamulka DKMG Soomaaliya ayaa digniin ugu jeediyay Shariif Sh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/Wali Gaas in ay ka joogsadaan wararka sheegaya abaabulka ay ugu jiraan gadashada kuraasta xubnaha baarlaman gaaleedka la soo xuli doono.
"Waxaanu heynaa warar aan ka xunahay oo sheegaya in hogaamiyeyaasha u hanqal taagaya jagooyinka ay adeegsanayaan laaluush iyo handadad si ay mar kale u helaan jagooyinka, arrinkaasina maahan mid loo dul qaadan karo" ayuu yiri Mahiga.
Maalmihii la soo dhaafay ayay hogaamiyeyaasha DKMG ah waxey wadeen abaabul xoog leh oo ay ku doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan shaqada dabadhilifnimada ee maamulka meel magaarka ah, laakin waxey la kulmayaan yureyn kaga imaaneysa dhanka dalalka reer galbeedka.
Odayaasha gaalada ee dastuurka meel mariyay ayaa looga fadhiyaa in ay soo farmuuqaan xubnaha cusub ee golaha dhawaqidda kuwaas oo iyana dooran doona gudoomiye si loo guda galo doorashooyin ku sheegga madaxtinimo dowladda KMG ah.
SomaliMeMo
Kismaayo
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


