Ciidamada Afrikaanta oo faarujiyay difaacyo ay ku lahaayeen Lafoole.

Written by Maamul on .

Warar naga soo gaaraya dhanka dagaanka Lafoole ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa xaqiijinaya in halkaas ay galabta isaga huleeleen ciidamo ka tirsan Burundi oo ku lahaa saldhig weyn, marar badana lagula dagaalamay.


Xaafadda Buula Kaarshe ee degmada Lafoole ayay ka baxeen ciidamadaasi iyadoona goobihii ay banneeyeen ay soo buuxiyeen dadweyne dal dalanayay alaabihii ay cadowgu kaga tageen halkaas.


Ciidamo fara badan oo ka tirsan Mujaahidiinta ribaadka kaga jirta wadada Muqdisho iyo Afgooye ayaa durbadiiba gaaray goobta waxaana halkaas ay hadal kooban ugu jeediyeen dadka deegaanka.


Mid ka mid ah saraakiisha Mujaahidinta oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in ay dul tageen difaacyadii ugu badnaa ee cadowgu ka baxeen, waxaana goobta laga qaadanayay jiingado iyo waxyaabo kale oo cadowgu uu difaacyo ka sameystay.


Ciidamada Burundi ayaa halkaas ku laha difaacooda labaad ee ugu weyn ee wadada Muqdisho iyo Afgooye marka laga so tago difaaca ay ku leeyihiin Calamada, mana la yaqaano ilaa hadda sababta ay uga baxeen goobahaasi.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy