Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaad caawa baneeyey fariisimo muhiim ah oo ay kaga sugnaayeen Muqdisho.
Ciidamadankan oo fariisimo adag ku lahaa wadada Warshadaha qeybo ka mid ah ayaa xoogagoodii waxay caawa iskaga baxeen goobahaas iyadoona la sheegayo in loo raray Fariisimo kale, kadib markii habeenadii ugu dambeeyey ay dagaalo culus oo uga imaanayey dhanka Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku qabsadeen halkaas.
Dadka shacabka ah ee ku nool wadada Dheer ee Warshadaha ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyey in caawa salaadii Maqrib kadib ay maqleen guuxa Gaadiidka AMISOM iyo Maleeshiyada DKMG oo ka ruqaansaday goobo ay ka mid ahaayeen Coca-Cola, Saraha Ceymiska, Warshada Biyaha Caafi, Isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo goobo kale oo ka tirsan Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ee dagaalada ka wada magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee ay soo baneeyeen Maleeshiyaadka DKMG iyo Ciidanka AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya ciidamada Afrikaanta in ay ku xaroodeen Garoonka Kubada Cagta Stadiom Muqdisho, Xerada Gaashaandhiga iyo Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad, iyadoo aan la ogayn halka maleeshiyaadka DKMG loo qaaday.
Ma ahan markii ugu horaysay Maleeshiyada DKMG iyo ciidamada Afrikaanta ay baneeyaan fariisimo ay hore ugu sugnaayeen, waxayna maanta sidaan oo kale baneeyeen fariisimo ay ku lahaayeen Deegaanka Lafoole ee dhacda duleedka Magaalada Muqdisho, halkaaso caawa lagu arkay Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya oo dadka deegaanadaasi la hadlay.


