Sheekh Dabiixullaah "Mujaahidiinta Talibaan Balaayo ma qabaan wayna wanaagsanyihiin".
Waxaa beenoobay dacaayado rakhiis ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay faafinayeen warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa carabta qaarkood oo sheegayay in howlgal muhiim ahaay laga fashiliyay Mujaahidiinta Afghanistan.
Kadib markii wararkaasi soo bexeen ayay hoggaanka Imaarada Islaamiga Afghanistan war kasoo saareen wararka beenta ah ee laga faafiyay si ay shucuurta muslimiinta u qalbi qaboojiyaan.
Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo kamid ah Afhayeenada mujaahidiinta ayaa war soo dhigay mowqica ramiga ah ee mujaahidiintu ku leeyihiin barta Internet-ka wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in dagaalayanno looga laayay Kaabuul.
"Haddii aan nahay Talibaan waxaan si daran u beeninaynaa warka ah in ciidan annaga naga tirsan lagu dilay Kabul oo weliba ay howlgal fulin rabeen asal ahaan warkaasi waa been,sirdoonada cadawga ayaa soo maleegay kadib markii ay dhanka amniga ku fashilmeen ayay doonayaan in ay indhaha caalamka iska duwaan"ayuu yiri Dabiixullaahi Mujaahid.
Talibaan waxay ugu bishaareysay taageerayaasheeda muslimiinta caalamka in haba yaraatee aysan mujaahidiinta imaarada maanta wax howlgal ah ka fulin magaalada Kaabul ee xarunta Afghanistan.
Warbaahinta maxaliga Afghanistan iyo wakaaladaha wararka ayaa maanta baahinayay in howlgal halis lagu sheegay laga fashiliyay Talibaan islamarkaana dagaalyahanno laga dilay.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


