Sheekh Abu Waliid Al Maqdasi Oo Xabsi Lasii daayay.
Kadib sanado uu ku dhibaateysnaay xabsi ku yaalla magaalada Gazza ee dhulalka Filasdiin ayaa lasii daayay Sheekh Abu Waliid Al-maqdisi oo ah amiirka jamacaada Towxiidka Waljihaad Beytul Maqdis.
Ilo wareedyo laga helay Gazza ayaa xaqiijinaya in maanta gelinkii dambe lasii daayay Sheekh Abu Waliid kadib dadaallo dheeri ah oo bilihii lasoo dhaafay ay wadeen culimada salafiyiinta ee wadanka Urdun.
Sheekha ayay horay gacanta ugu dhigeen maleeshiyaad taabacsan Kooxa Xamaas oo ku eedeynaya jamaacada uu sheekhu hogaamiyo in ay jebiyeen Xabad joojin dhaxmartay Yahuudda iyo Xamaas islamarkaana uu si cad uga horyimid dowladda lacasilay ee Gazza maamusha.
Warar lagu baahiyay shabakadaha Jihaadiga ah ayaa sheegaya in sheekha berri uu dib ugu laaban doono camalkiisi jihaadiga ahaa islamarkaana uu saxiixay in uusan mar kale ka hor imaan doonin maamulka Xamaas.
Markazka Ibnu Teymiyah ee ah garabka Warbaahineed ee mujaahidiinta Filasdiin ayaa kal hore baahiyay Dukumiintiyo sir ah oo cadeynayay qaab fool xun oo ay maleeshiyaad Xamaas ula dhaqantay hogaamiyaal katirsan salafiyada jihaadiga ah ee Gazza ka jihadda.
Tayaaraatka salafiga Urdun ayaa maalmahan kulamo xasaasi ah layeelanayay hogaamiyaal Ikhwaanka katirsan kuwaasi oo markii dambe Ismaciil Haniya ku qanciyay in Sheekh Abul Waliid lasii daayo.
Halkaan ka Daalaco Kutubta uu Qoray Sheikh Abul Waliid Al Maqdasi
SomaliMeMo
Nairobi
Kenya


