Madaxyo Doofaar Oo Masjid ay leeyihiin Muslimiinta Faransiiska Lagu Weeraray (Warbixin).

Kooxo Xagjir Nasaara ah ayaa weerar ku qaaday masjid ay leeyihiin muslimiinta oo ku yaalla waqooyiga wadanka Faransiiska oo kamid ah wadamada qaaradda Yurub ee Islaam naceybka ku caan baxay.
Boolis gaaleedka Faransiiska ayaa sheegay in la weeraray masjidka ugu weyn Montauban xilligaasi oo jamaacada masjidka tukanayeen mid kamid ah salaadaha faradka ah.
Qof Muslim ah oo xiligaasi weesa qaadanayay ayaa arkay Madaxyo Doofaar oo lagusoo tuurayo gudaha masjidka iyo dhiig qooyay roogaga masjidka, qofkan goob joogaha ah ayaa yiri "Laba Madax Doofaar ayaa lagusoo tuuray masjidka Montauban dhiig ayaa nijaaseeyay dad badan oo sujaadsanaay roogagii masjidkana waa nijaasoobeen wuxuu ahaay fal cunsurinimo oo argagax leh".
Jamaacada masjidka ayaa isku dayay in ay talaab ka qaadaan kaniisad dhowr talaab ujirta masjidka oo lagu tuhunsanyahay in ay soo abaabushay weerarkan balse waxaa goobta soo buuxiyay ciidanka Booliska magaalada.
Wakaaladda wararka Faransiiska ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday masjidka Montauban uu yahay midkii Labaad sanaddii 2009 ayay kooxo Nasaaro ah sidaan oo kale Masjika ugu tuureen Gomodaha Doofaarka waana ihaano ay gaaladu la damacsantahay muqadasaadka islaamka.
Muslimiinta Faransiiska ayaa aad uga yara dadka nasaarada ah waxaana lagu qiyaasaa 15% in ay yihiin dadka wadankaasi, Madaxweynihii hore ee Faransiiska Zarkoozi ayaa ahaay shakhsi uu ku fogaaday naceybka islaamka.


