BARNAAMIJ TAXANE AH: "Daqarrada Dilaaya Dastuurada Diin La'aanta" (Dhageyso Qeybta Koowaad).
Shabakadda Islaamiga ah ee SomaliMeMo waxay Akhristayaasheeda usoo gudbineysaa Qeybtii Koowaad Silsilad cusub oo iskugu jirta Nadwooyin iyo Muxaadaraat taxane ah oo daaha looga faydayo xaqiiqada dhabta ah ee Dastuurada dibada laga keeno ee lagu sido Kaaraha dushiisa .
Sililadaan ayaa looga hadli doonaa Dastuurada gacan ku samayska ah iyo khatarta ay ku yihiin guud ahaan Shacabka Muslimka ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed.
Barnaamijkan Taxanaha ah oo loogu magac daray:
الدَّمـــــغـــة القاتلة علي الدَّســـــــاتـيـرِ الكَـــافِــــرَة
Daqarka Dilaya Dasaatiirta Diin La'aanta ah
Silsiladdu waxay aafada iyo Dhibaatada Dastuurka ka eegaysaa laba dhinac:
1: Taariikhda Dastuurada iyo foolxumooyinka laga dhaxlay.
2: Cadayn xukunka sharciga ah ee Dastuuradaas iyo xaaladda dadka isku xukuma .
Silsiladaan taxanaha waxaa ka qayb qaadan doona Aqoonyahanno iyo Xeeldheerayaal wax badan ka og Dasaatiirta gacan kusamayska ah iyo Khatarta ay xambaarsanyihiin.
Hadaba aan ku hormarno qaybta hore ee taxanaha oo dhammaanteed ah faalo iyo falanqayn iftiiminaysa wajiga madowga ah ee Dastuuradaas iyo ujeedooyinka Qarsoon ee laga leeyaha.
Falanqaynta maanta waxaa ka qaybqaadanaya Ismaaciil Samantar, Cumar Faradar, Weheliye Abu Suheyb iyo Ustaad Ascad.
Barnaamijka waxaa isku soo Dubariday Sheikh Abu Bakar Al Zeylici Xafidahullaah.
Hadaba walaalayaal kusoo dhawaada Qaybtii Taariikhda Xalaqadeeda Koowaad oo uu noo qaadaa dhigayo Al Mujaahid C/Ra'uuf Miski .
Halkan ka dhagayso Barnaamijka oo dhamaystiran


