Faah Faahin Kasoo Baxday Qarax Caawa Nairobi Ka Dhacay.
Qarax xoogan ayaa oo caawa ah ka gilgilay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya waxaana jira khasaara xoogan oo gaaray dad Kenyaan ah.
Wararka ka imaanaya xaafadda Islii ee Somaalidu ku badantahay waxay xaqiijinayaan in qarax weyn uu ruxay xarun ay ciidanku deganyihiin bartamaha magaaladaasi.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in dhimashada illaa hadda lahubo ay tahay 3 ruux oo ciidanka Booliska ah, qaraxyadan caawa dhacay waxay kusoo aadayaan xilli ay Clinton booqanayso Bariga Afrika oo ay Kenya kamid tahay.
Sarkaal u hadlay booliska Kenya oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in weerarka caawa lagu qaaday saldhigga ciidanka cirka uu yahay mid muujinaya in dul duleelo dhanka amaanka ah jiraan.
Warbaahinta Kenya qaarkood waxay baahiyeen in ruux isqarxiyay uu weerarka fuliyay balse goob joogayaal waxay leeyihiin qaraxu wuxuu ka dhashay Bambaanooyin lalahelay saldhigga ciidanka booliska.
Dowladda Kenya ayaa duulaan gardarra ah kusoo qaaday Somaaliya bishi October ee sanadkii 2011-ka wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada gudaha Kenya lagu qaado.
Lasoco Wixii soo kordha


