Yusuf Garaad "Labaatan Sanadood ka dib shaqadii BBC waan ka tegay Siyaasadda Somaaliya ayaan ka qeyb qaadanayaa".
Shirkii London ka dhacay 23,2,2012 oo arrimaha Somaaliya looga hadlayay ayaa fure u ahaay qorshe gurucan oo ladoonayo in dalka Somaliya maxmiyad gumaysi lagu geliyo.
Dowladda Ingiriiska ayaa qurba joog Somaali ah larabto in ay xilal ka qabtaan DKMG ah taasi oo ka dhigan in intabadan golaha wasiirada ee dowladda la dhisi doono ay yihiin kuwa dibadda laga keenay oo shisheeyaha wakiil u ah.
Shabakadda SomaliMeMo ayaa July,7,2012 daabacday war sheegayay in Yuusuf Garaad Cumar Tifaftiraha BBC-da laanta Af Somaaliga uu isaga tegi doono shaqada uuna qeyb ka naqan doono kuwa safka ugu jira qabashada xilka hogaamiyaha DKMG ah Halkan Ka Eeg Warkii SomaliMeMo.
Hadaba Yusuf Garaad oo ah saxafi caan ka ah BBC-da ayaa xalay ku dhawaaqayay in uu isaga tegay shaqadii saxafinimo ee BBC-da uuna ku biirayo siyaasiyiinta Somaalida.
War kooban oo uu Yusuf Garaad ku qoray safxadaha uu ku leeyahay twitter-ka iyo Facebooka ayuu ku sheegay in uu shaqada BBC joojiyay.
"Kadib labaatan sanadood oo aan ka shaqeynayay BBC-da laanta Afsoomaaliga maanta waxaan ruqsad shaqa ka tegis ah ugudbiyay maamulka BBC shaqadiina waan ka tegay waxaan bilaabayaa ka qeyb qaadashada arrimaha Nabadeynta Somaaliya" ayuu yiri Yusuf Garaad.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Yusuf Garaad isku sharaxi doono hogaaminta DKMG ama wuxuu naqan doonaa wasiirka warfaafinta DKMG ah ee soo socda,Ninkan ayaa dhowr mar wareysiyo la yeeshay R/wasaaraha Ingiriiska Camero iyo wasiirro reer galbeed ah waana shakhsi aad ugu dhaw caddaanka.
Lama oga haddii doorashada uu ku fashilmo inuu shaqadiisi wariyanimo dib ugu laaban doono, sidoo kale lama oga waxa uu soo kordhin doono haddii loo doorto xilka madaxa DKMG ah, xilli qof waliba oo xikaasi qabta uu waqtigiisa ku dhameysto dagaal, ugu danbeyntiina daaqadda ka baxa isagoo fadeexeysan.
SomaliMeMo
Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


