FAAH-FAAHIN: Dagaal xalay ka dhacay deegaanka N0.50 gobolka Sh/hoose.

Written by Maamul on .

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyey Ciidamada XSHM iyo Maleeshiyada DKMG oo taageero ka helaya kuwa Shisheeye oo dhinac ah, waxaana dagaaladii xalay la isku adeegsaday hubka qeybahiisa kala gadisan.


Dagaalka oo ka dhacay deegaanka N0.50 oo ay dhawaan Cadowga la wareegeen, waxaana dagaalka uu bilowday kadib markii Maleeshiyada DKMG iyo kuwa shisheeye fariisimo ay deegaankaasi ka samaysteen weeraro hubeysan ay ku soo qaadeen XSHM, waxaana la sheegay in dagaalkaasi qasaare culus loogu geystay Shisheeyaha iyo Maleeshiyada DKMG.


Dagaalka intii uu socday Mujaahidiintu waxay sida roobkii hub culus u adeegsadeen dagaalkaasi xalay ruxay Deegaanka N0.50, islamarkaana muddo kooban ay la wareegeen gacan ku heyntooda fariisimihii Cadowgu uu ku sugnaa.


Afhayeenka Ciidanka Mujaahidiinta Soomaaliya Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay dagaalkii xalay inay guulo ka gaareen, kuna dileen Nin Guddoomiye ah oo DKMG shalay u caleemo sartay Deegaanka N0.50.


Sheekh C/casiis ayaa intaasi raaciyey dagaalkii xalay marka laga tago Guddoomiyihii cusbaa ee lagu dilay wuxuu tilmaamay in askar 11 ah ay ku dileen 20 meeyo kalena dhawacyo daran gaarsiiyeen, isagoo xusay inay markii dambe Mujaahidiintu dib uga gurteen Saldhigyadii Cadowga ay kala wareegeen xalay mudadii koobnayd, halkaasina ka heleen Hub fara badan.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy