Afar Sanadood Oo Ammaan Lamahadiyay Uu Kajiro jubbooyin Sidee U Shaqeysaa Dekadda Caalamiga ah Ee Kismaayo (DAAWO).

Written by Maamul on .

somalimemo.netMu’asasada Al-kata’ib oo ah garabka Warbaahineed ee  XSHM ayaa soo saartay maaddo maqal iyo muuqaal ah oo lagu faah faahinayo qaabka ay u shaqeyso Dekadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa leh mid kamida Dekadaha ugu waaweyn dalka Somaaliya waana Dekad Badeecado badan kasoo degaan waxna ay ka dhoofsadaan ganacsatada Somaaliyeed.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee  Somaaliya Dekadda Kismaayo ma helin daryeel ganacsatada waxkala dega  iyo waxka dhoofsadana ma helin ammaan iyo maamul caadil ah oo fursad u siiya howlahooda ganacsiga ee xorta ah.

Muddo laga  joogo Afar sanadood iyo googo’ ayay Kismaayo ku jirtaa gacanta mujaahidiinta waxaa meesha ka baxay maamullo beeleedyadii maleeshiyaadku tiirka u ahaayeen,dhaca,dilalka iyo boobka hantida ayaa meesha ka baxay fakakjaasi  xumaanta ah oo idil waxaa liqay ku dhaqanka sharciga  Islaamka oo Kismaayo xasiliyay kana dhigay magaalo diyaar u ah maalgashi iyo horumar dhanka ganacsiga ah.

Dekadda Kismaayo ee caalamiga ah xiligii Fowdadu kajirtay Koonfurta Somaliya  waxay aheyd dhibane ay marna xiraan marna furaan hadba dagaal Oogayaasha magaalada maamulayay.


Marka lagasoo tago in Kismaayo tahay il dhaqaale oo muhiim hadane waxaa kutiirsan malaayiin shacab ah oo badeecado kalasoo dega,badeecadaha daruuriga ah ee dekadda kasoo dega kuma Eka oo kaliya Jubbooyinka iyo Gedo ee waxay ugudbaan wadamada geeska Afrika sida Kenya iyo Itoobiya.


Hadaba Qaabka ay u shaqeyso Dekadda Kismaayo Waxaa lagu falanqeynayaan Warbixinta Maqalka ah Ee Al-kataib Channel  Halkan Gujji sida  Aad U Daawato

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy