Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha oo Kufsi Dumar looga barakacayo.
Iyadoo ay sii kordhayaan Dhaca iyo Kufsiga Dumarka Xaafadaha Degmooyinka Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha ay u geysanayaan Maleeshiyada DKMG ayey arrintaasi sababtay in Dumar badan ay ka barakacaan xaafadahaas.
Haweenka ku nool Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha ayaa sheegay inay marar badan ka cowdeen Kufsi ay kala kulmaan Maleeshiyaadka DKMG-ka, taas oo markii wax laga qaban waayay ay bilaabeen inay ka haajiraan Degmadaasi.
Dadka deegaanka Huriwaa iyo Suuqa xoolaha waxay hadalkooda raaciyeen in ay dib u xasuusteen xiliyadii hore oo dhibaato ay kala kulmi jireen Ciidamo Beeleedyadii ka amar qaadan jiray hogaamiye kooxeedkii, iyadoona xaalada hadda ay ku sugan yihiin aysan haba dhaamin dhaqamadaasi.
Bishan gudaheed ayay sheegeen in tiro haween ah ay fara xumeeyeen Maleeshiyaadkaasi, kuwaasoo qaarkood xaaladooda caafimaad ay liidato kadib markii si xun u kufsadeen Maleeshiyaad badan taasoo aysan xamili Karin Haweenka dhibaatooyinkaasi la kulmay.
Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha ayaa la sheegayaa inay yihiin xaafadaha ugu tacadiyada badan Haweenka ku nool, waxayna taasi keentay inay ka barakacaan Qoysaska ku nool, gaar ahaan Dumarka oo dhibaatooyinkaasi u nugul


