Bashiir Salaad: ''Muqdisho dagaal ayaa ka dhici doona hadii aan laga hor tagin".

Written by Maamul on .

Iyadoo afar casho oo qura ay ka hartay dhamaadka maamulka Dabadhilifka ah ee uu hogaamiyo Shariif Sheikh Axmed, dhanka kalena uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka DKMG ayaa waxaa qayla dhaan diray Gudoomiyaha Jamaacada ictisaam Bashiir Axmed Salaad oo ku sugan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

 

Bashiir Axmed Salaad ayaa saxaafada usheegay in ay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay magaalada Muqdisho ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya madaxda maamulka DKMG ah hadii aan arinkaas laga hor tagin.

 

Hogaamiyaha ururka Ictisaam ayaa sheegay in madaxdu ay si adag isugu khilaafsan yihiin soo xulista Xildhibaanada, dhanka kalena hanjabaad iyo cabsi galin ay ku hayaan odayaasha soo xulaya Sharci Dajiyeyaasha cusub (Xildhibaanada).


Culimada Icitsaam ayaa lagu eedeeyaa in ay gabeen kaalintoodii ku aadanayd dagaalka u dhaxeeya xaqqa iyo Baadilka, waxana ay ka gaabiyeen in ay xaqqa Bayaaniyaan, waxaana muuqanaysa in taas badalkeeda intooda badani ay noqdeen kuwa u taagan difaaca maamulka sii liicaya ee uu hogaaminayo Shariif Sheikh Axmed.

 

Bashiir Salaad iyo qaar ka mid ah Culimada Ictisaamka ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho si ay uga mid noqdaan Dowladda cusub ee ay gaaladu ku badali doonto midka hadda uu waqtigiisu sii dhamaanayo, waxaana lagu wadaa in Jamaacada Ictisaam ay si dhab ah ugu biirto maamulka cusub ee Ridada ah.

Comments (0)add comment

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy