Mulla Max'med Cumar Oo Fariin Muhiim ah Usoo Diray Shacabka Afghanistan.
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay baqa cararka ay damacsanyihiin wadamada reer galbeedka ee duulaan gaaleedka ku qaaday dalka Afghanistan.
Amiirul Mu'miniin Sheekh Mulla Maxamed Cumar Mujaahid Xafidahullaah ayaa umadda Muslimka Afghanistan iyo caalamka islaamka lahadlay munaasabadda Ciidul Fidriga ee lafilayo in ay dhawaan bilato ayuuna kusoo beegay.
Fariin qoraal ah oo uu Mulla Max'med Cumar soo diray ayuu ugu tahniyadeeyay muslimiinta munaasadda Ciidul Fidriga isagoona Allaah uga baryay muslimiinta in uu Acmaasha Ramadaan ka aqbalo.
Fariinta qoraalka ah ee Sheekh Mulla Max'med Cumar oo ka koobneed illaa iyo 34 qodob ayaa diiradda lagu saarayay Caziimada reer Afghanistan ay ku adkeysteen sii wedidda Jihaadka ayna 11-sano wajahayeen dagaal ay kula jiraan quwado soo dagaal geliyay boqolaal kun oo ciidan ah islamarkaana ku qalabaysan hub taqliiddi ah.
"Asallaamu Caleykum Umadda Muslmiinta waxaan ugu hambalyaynayaa soo gelintaan munaasabadda Ciidul Fidriga ee Mubaarakada ah waxaan salaan iyo bogaadin u diraynaa shacabka Caziimada iyo geesinimada muujiyay shacabka mujaahidiinta ah ee reer Afghanistan waxaan Alle ka baryayaa in uu naga aqbalo Acmaasha bisha Ramadaan"ayaa kamid ahaay fariinta Mulla Cumar.
Hogaamiyaha Taliban ayaa soo hadal qaaday duulaanka shisheeye ee Aghanistan lagusoo qaaday isagoona mareykanka ku fadeexadeeyay in wax walba oo ay kusoo dagaal galeen iyo dhibaata walba oo ay muslimiinta ugeysteen maanta yihiin kuwa sii cararaya oo jabay.
Wuxuu Allaah uga mahad celiyay sugnaanta uu siiyay mujaahidiinta Imaarada Afghanistan oo marnaba aan ka mashquulin beegsiga cadawga shisheeye, mar uu soo hadal qaaday suurtagalnimada wadahadal mareykanku layeesho mujaahidiinta Afghanistan ayuu shaki geliyay.
Sheekh Mulla Maxamed Cumar ayaa soo hadal qaaday camaliyadda Alfaaruuq oo ah howlgal Jihaadi ah oo bishii May ay imaarada Islaamiga Afhanistan ku dhawaaqday.
Amiirka ayaa sheegay in Camaliyadda ay Alfaaruuq ay si dardar leh uga socoto dhamaan gobolada Afghanistan ka koobantahay islamarkaana ay mujaahidiintu ay howlgalkaasi u isticmaaleen Taaktiik Cajiib ah oo cadawga qudhiisa qirteen.
SomaliMeMo
Muqdisho


