Dagaal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Written by gobal on .

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Sh/Hoose iyo maleeshiyaadka DF oo kaashanaya Afrikaanta ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Afgooye ka dib markii weerar qorsheysan lagu qaaday fariisimayaasha cadowga.


Dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Sabiibka oo difaacyo ay ku leeyihiin maleeshiyaadka iyo ciidamo ka tirsan Burundi, waxaana dhinacyo kala duwan ka soo galay guutooyin ka tirsan Mujaahidiinta sida ay noo sheegeen saraakiil ciidan.


Qeybti ugu horeysay ee maleeshiyaadka oo xabadda Mujaahidiinta ay ku bilaabatay ayaa iska cararay iyadoona ay ka tageen askar kaga dhimatay dagaalka waxaana u soo gurmaday ciidamada Burundi oo iyana fariisimo ku leh isla deegaankaasi.


Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in guutooyinka Mujaahidinta ay u fuliyeen weerarka sidii loo qorsheeyay waxaana uu xusay in howlgalladooda ka dhanka ah cadowga ay socon doonaan iyagoo taageeraya geesiyaasha kamiinada gala ee cadowga ka mamnuucay isku socodka Sh/Hoose.