“Waxaan Gowrac Lagula Deg Degin Geela Soo Ma’ahan, Haddii Ay Good Raqiis Tahay Waxaan Dhaqan Lahaa Gaale, Sidaas Waxa Geela Looga Dhigay Islaam Soo Ma’ahan” By Saxafi Ustaad Abdiwali Dalboon.
Dowladda Australia ayaa bilowday in
ay xasuuqdo, Geela oo aad ugu badan
Kaymaha
iyo Howdka Wadanka Australia, ugu yaraan Hal
Milyan ayaa lagu qiyaasaa in kabadan Geela Duurka
Austarlia ku nool.
Nin la yiraahdo Ali Sultan Al-Hajri oo Wadanka Qadar
u dhashay, ahaanna jiray Geel jire ayaa Barnaamij laga siidaayey Aljazeera oo aad hoos ka daawan doontaan ka diyaariyey, wuxuu Ninkaaan soo bandhigay Faa’idooyinka Geelu leeyahay iyo sida dowlad dhan oo Caalamka ka jirta Ilbaxnimana sheeganaysa aysan Dadkeedu u ogayn Geela Faa’idada uu leeyahay.
Waxaa Caalamku Indhaha ku kala qaaday Geel Diyaarado lagu xasuuqayo oo Shacabkuna ku baranayaan Toogta oo waliba si Naxariis daraa ay ugu Shabaaxtamayaan Nicmoolayda Allah Aadanaha uu ku sharfay.
Reer Galbeed Maantay Ey la xasuuqayo iyo Khinsiir ama Doofaar waa ka hadli lahaayeen, laakiin Geela iyo Nicmoolayda Muslimiintu Isticmaasho dan kama lahan cadaawad fogaatay ayaa jirta oo xilligii Reer Samuud soo bilaamatay, waa Qowmkii loo diray Nabi Saalax CS. Hilibka Xoolaha sida Ariga iyo Geela ee Wadamada Carabta, Yurubta, Canada iyo Maraykanka la keeno ee Dadka Muslimiintaa cunaan waxaa laga keenaa Wadanka Australia.
Waxay u badan tahay Arin siyaasadaysan, maadaa Caalamka Takhaadiir badan ay Hilibka Doofaarka dagaal la galeen oo ay yiraahdeen waxaa laga qaadaa cuduro badan oo cudurka Kansarka uu kamid yahay (Cancer). Dowladda Austrlia ayaa Wadanka Pakistan iyo India kasoo bililiqaysatay Geela, waxayna u isticmaali jireen Ciidamada iyo Dhismaha Guryaha, balse markii ay hormar gaareen waxaa soo baxday si kale oo looga faa’idaysto Geela in aysan Aqoon, waxay Shacabkii u fasaxeen in geela meeshii lagu Arko la toogto oo lagu barto Toogta.
Geela, waxaan og nahay in Shareecada Islaamku ay aad oga hadashay, waxaaa Nabiga CS ka sugan in Hilibka geela laga weeso qaato marka lacuno, waxaa sugan in Xeryaha Ariga lagu tokon karo Salaadaha, laakiin Xerada Geela aanan lagu tokon karin, waxaa sugan in Nabigu CS uu Hal ama Neef Geela uu Korkeeda Salaad Sunnaa uu ku tokoday. Waxaa jira Khilaaf Culimadu ay isku khilaafeen Geela in sida Shaydaanka loo Abuuray iyo in kale, balse waxaa xoog badan oo Quraanku tilmaamayaa in Shaydaan Naar laga abuuray.
Quraanku wuxuu sheegay Qowmkii Nabi Saalax CS, loo diray in Hal Geela lagu Imtixaanay oo Ceel Biyaha laga Cabbo Allah yiri, Maalin waxaa leh Hashii Nabi Saalax CS Aayadda looga dhigay, Dadkuna Maalin ayey ka cabayaan Ceelka, waatii Hashii Nabi Saalax CS, Ninkii Ayaanka darnaa uu Buqnaha jaray oo la halaagay Qoomkii Nabi Saalaax CS Reer Samuud ahaa.
(وَيَـٰقَوۡمِ هَـٰذِهِۦ نَاقَةُ ٱللَّهِ لَڪُمۡ ءَايَةً۬ فَذَرُوهَا تَأۡڪُلۡ فِىٓ أَرۡضِ ٱللَّهِ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ۬ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابٌ۬ قَرِيبٌ۬ (٦٤) فَعَقَرُوهَا فَقَالَ تَمَتَّعُواْ فِى دَارِڪُمۡ ثَلَـٰثَةَ أَيَّامٍ۬ۖ ذَٲلِكَ وَعۡدٌ غَيۡرُ مَكۡذُوبٍ۬)
Nabi Saalax CS waatuu Reer Samuud Qowmkii loo diray ku lahaa, “Tolkayow, Tani waa Hashii Allah Aayadda idin kaga dhigay, ee iska daaya, ha cuntee wixii Allah Dhulka kasoo saaray, wax dhib ah ha u gaysanina, si aan Cadaab Allah oo dhow uusan idin kugu dhicin, Markaas ayey Hashii Buqnaha gooyeen, Nabi Saalax CS markaas ayuu yiri, Guryihiina ku raaxaysta Saddex Maalmood ayaan idiin qabtay, waana balan aanan la baajin doonin”.
Qofkii Qisada Hasha Nabi Saalax CS raba in uu Akhriyo iyo sida Reer Samuud loo halaagay, Suuratu Huud hakasii Akhriyo Aayaadkaas aan kor ku xusnay Aayadaha kadambeeya. Ilaahay waa halaagay, Qomwkaas ku cayaaray Aayaadkiisa, Quraanku wuxuu sidoo kale tilmaamay Geela inta aan ka xasuusto, Saddex jeer oo kale, Marka Koobaad Allah Markuu ka hadlayey Nicmoolayda in ay 8 Qaybood u Qayb samaan, waatuu Allah lahaa, Idaha waa Labo Lab iyo Dhadig ah, Ariguna waa Labo Lab iyo Dhadig ah, Geeluna waa Labo Lab iyo Dhadig ah, Lo’duna waa Labo Lab iyo Dhadig ah, Macnuhu waa Lax iyo Wan, Ri iyo Orgi, Rati iyo Hal, Sac iyo Dibi. Xisaabta waad taqaanan waa 4×2=8.
Allah wuxuu yiri,
(ثَمَـٰنِيَةَ أَزۡوَٲجٍ۬ۖ مِّنَ ٱلضَّأۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَمِنَ ٱلۡمَعۡزِ ٱثۡنَيۡنِۗ قُلۡ ءَآلذَّڪَرَيۡنِ حَرَّمَ أَمِ ٱلۡأُنثَيَيۡنِ أَمَّا ٱشۡتَمَلَتۡ عَلَيۡهِ أَرۡحَامُ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۖ نَبِّـُٔونِى بِعِلۡمٍ إِن ڪُنتُمۡ صَـٰدِقِينَ (١٤٣) وَمِنَ ٱلۡإِبِلِ ٱثۡنَيۡنِ وَمِنَ ٱلۡبَقَرِ ٱثۡنَيۡنِۗ قُلۡ ءَآلذَّڪَرَيۡنِ حَرَّمَ أَمِ ٱلۡأُنثَيَيۡنِ أَمَّا ٱشۡتَمَلَتۡ عَلَيۡهِ أَرۡحَامُ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۖ أَمۡ ڪُنتُمۡ شُہَدَآءَ إِذۡ وَصَّٮٰڪُمُ ٱللَّهُ بِهَـٰذَاۚ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ڪَذِبً۬ا لِّيُضِلَّ ٱلنَّاسَ بِغَيۡرِ عِلۡمٍۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَہۡدِى ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ)
Sidoo kale Allah wuxuu Geela ku daray, Aayaadkiisa, sida Samada ama Cirka, Dhulka Buuraha, intaas oo dhan waxay kamid yihiin Aayaadka Allah, Ilaahay wuxuu ku daray Geela wuxuuna Allah yiri, “Miyeysan u jeedin sida aan Geela u Abuurnay?”.
(أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلۡإِبِلِ ڪَيۡفَ خُلِقَتۡ (١٧) وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ ڪَيۡفَ رُفِعَتۡ (١٨) وَإِلَى ٱلۡجِبَالِ كَيۡفَ نُصِبَتۡ (١٩) وَإِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَيۡفَ سُطِحَتۡ)
Midda Saddexaad, Xilliga Xajjka xoolaha Hadyiga loo geeyo waxaa ugu fadli badan Geela iyo Lo’da, Allah wuxuu ku tilmaamay in ay shacaacirtiisa kamid tahay, Allah wuxuu yiri,
(وَٱلۡبُدۡنَ جَعَلۡنَـٰهَا لَكُم مِّن شَعَـٰٓٮِٕرِ ٱللَّهِ لَكُمۡ فِيہَا خَيۡرٌ۬ۖ فَٱذۡكُرُواْ ٱسۡمَ ٱللَّهِ عَلَيۡہَا صَوَآفَّۖ فَإِذَا وَجَبَتۡ جُنُوبُہَا فَكُلُواْ مِنۡہَا وَأَطۡعِمُواْ ٱلۡقَانِعَ وَٱلۡمُعۡتَرَّۚ كَذَٲلِكَ سَخَّرۡنَـٰهَا لَكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ )
Sheekh Ibnu Kasiir, wuxuu Tasfiirkiisa ku sheegay in Budniga laga wado, Lo’da iyo Ra’tiga ama Geela,
(قال ابن جريج : قال عطاء في قوله : ( وَٱلۡبُدۡنَ جَعَلۡنَـٰهَا لَكُم مِّن شَعَـٰٓٮِٕرِ ٱللَّهِ لَكُمۡ ) ، قال : البقرة ، والبعير . وكذا روي عن ابن عمر ، وسعيد بن المسيب ،والحسن البصري . وقال مجاهد : إنما البدن من الإبل )
Ibnu Jurayj iyo Cad’daa waxay leeyihiin, waxaa laga wadaa, Lo’ada iyo Ra’tiga, sidoo kale Ibnu Cumar RC, Saciid Ibnu Musayib, Al-Xassanu Basri iyo Mujaahid ayaa yiri, Geela ayaa laga wadaa.
Soomaalida Iyo Dhaqashada Geela.
Soomaalidu Geela, Maahmaahyo badan ayey ka leeyihiin, “Geeri Geel jire iyo Nin aadan Aqoon ayey ku fiican tahay”, “Geel doono Geeso Dhiig leh ayaa kadhasha”,Soomaalidu waxay ka bixiyaan Geela Gabdhaha oo Yarad ayaa loo kala Qaataa, Geela Makta ama Diyada ayaa loo kala qaataa, Geela, Hilib iyo Caano ayaa laga helaa, Dhuuxa Geela iyo kaadidiisu waa Daawo, Geela waa loo Heesaa, waa loo Gabyaa.
Suugaanta Soomaalida waxaa kamida, ” Waxaan gowrac lagula deg degin Geela soo ma ahan, Haddii ay Good Raqiis tahay Waxaa dhaqan lahaa Gaale, sidaas waxa Geela looga dhigay Islaam Soo Ma’ahan”.Gabayga oo Dhamaystiran Codka Hoose ee Barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada Idaacadda Islaamigaa Radioalfurqaan ayaad ka dhagaysan doontaan Abwaanada Saxafi Abwaan C/laahi Maxamed Jaamac C/laahi Soomaali uu waraysanayo.
Abwaan Cilmi Cali Afyare, waatuu lahaa
“ Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele;
Waxba yaan surweel midable iyo, saacad lay xirane,
Sicirka dunida geeleennu waa, ugu sarreeyaaye,
Soomaaligii diidayoow, waad silloon tahaye”
Abwaan Faarax Laanjeer waatuu lahaa markuu Geela Ammaanayey, ”
Dhudi qaaday geelu waa waxaan, Dhuuddimow tegeye
Waa waxaan Dhilaalliyo u maray, Dhoodi iyo hawde
Waa waxa dhafoorkiyo I goday, dhabarka feedhaaye
Nin u dhidida mooyee caruur dhaxashay waa mooge .
Isha Maqalka Radioalfurqaan.
Saxai Ustaad Abdiwali Warsame (Dalboon)

somali
said:
|
kkk nimanki iyaga ahaa waxeey noo sheegaayaan maanta in geela ka fadli iyo sharaf badanyahay dadka soomaaliyee maxaa yeelay dadkana weey laayaan geelana weey amaanaayaan. |
abdul naser
said:
|
waa caybka geela iyo jeclaanta doofaar waa dhaqan gaalo asc geela ama duur joogta waa nicmooyinka allah umadiisa ku gala deys tay laakin gaalo waxaas waa ka soo horjeedaa , weligeed lama arkin geel la xasuuqaa iyo doofaar beero loo sameeynaa laakin gaalo ayanba garaneyn wax faa iido ku jirto |
waaliga talaabib
said:
|
waa gaalo ee hala yaabina tani ma ahan mid lala yaabo waayo gaalda waxay wax dheer yihiin xoolaha oo kalaiya taaso ah hadalka |


