Abaan Duule Baashe ileey Oo Gedo lagu dilay,Weeraro Kismaayo ka dhacay iyo qarax Caawa Gaarisa laga maqlay.

Written by Maamul on .

somalimemo.netSaraakiil katirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka ee qeybta ka ah duulaanka ay Xabashida Itoobiya kusoo qaaday wilaayada Gedo oo dhacda Koonfur galbeed ee dalka Somaaliya.



Wararka ka imaanaya Gedo ayaa xaqiijinaya in dagaal ay ciidamada mujaahidiinta lagaleen cadawga Itoobiya lagu dilay Korneel Baashe Ileey oo kamid ahaa saraakiisha caanka ka ah wilaayada Gedo.



Ilo wareedyo muhiim ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in saacado is xigxiga Gedo siyaaba kala duwan loogu dilay laba Baashi oo ahaa mooryaan dagaal oogayaal ah oo sanadadii lasoo dhaafay kamid ah xabaada amxaaradu ku adeegato.



Shacabka Gedo ayaa hadal haya dhimashada labada baashi  Baashi Iley waxaa lagu dilay wadada isku xirta Luuq iyo Garbahaarey halka Baashaha kale lagu dilay degmada Doolow oo saacado ka hor guddoomiye looga dhigay balse guddoomiyanimada ma calfan.




Dhinaca kale weerar khasaara dhaliyay ayaa xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose,xoogag hubeysan ayaa laba askari ku toogtay agagaarka aargada Kismaayo kadibna goobta ayay ka baxsadeen daqiiqado kadib ayaa xaafadda Via Afmadoow lagu dilay laba kale oo Askar ah mid kamid ahna uu ahaa taliye ku xigeen.




Dhinaca kale caawa fiidkii ayaa rasaas xoogan laga maqlay dhanka dekadda magaalada Kismaayo lama oga cidda rasaasta is dhaafsanaysa, sidoo kale qarax weyn ayaa caawa ka dhacay magaalada Gaarisa qof Gaarisa ku sugan ayaa SomaliMeMo u sheegay in ay maqleen dhawaqa qarax weyn balse aysan sheegin karin halka lagu weeraray sababa laxariira magaalada oo Bandaw ah.

Comments (2)add comment

abu baasuuke said:

0
murtadiinta-laaye
maxaa eeyagu, waxan shegayaa Baashayaasha la laaye,. maxay kuwaasi maalinkaste la dilayo usohorbodayaan baxhtiga kuffaarta nagusoo duushay? Wa suaale?
Caruurtan bariis uga raadinayey layniga yeeli maayo. Iskaga hara amisom (gumeysiga cusub) adiikalese cadaw-kalkal waa la dilii , meeshii lagu arko ayaa lagu khaarojini.
January 07, 2013

mr somali said:

0
somalimemo.net
alaahu akbar alaahu akbar alaahu akba baashi ileey wuxuu ahaa xaaraanquute ku soo caan baxay dagaaladii sokeeyewuxuu hada kahor kaqayb qaatay dagaalkii amxaaradu mareexaan ay hubka iskugu dhiibtay wuxuu ahaa gacan kudhiigle ilaahayna dadkiisa waa uu ooga raaxeeyay waaguul ilaah baana ku mahadsan
January 07, 2013

FG: Commentiyada aan munaasabka aheyn laguma daabici doono Shabakadda, Sida Aflgaado, Diin xumi, Xadgudub lagula kaco Qolo ama Shaqsiyaad, Hadalo aan macno laheyn, Qoraalo isku qasan iwm, sidaasi darteed wax wanaagsan oro ama iska aamus.
smaller | bigger

busy